Kulamo wadatashi ah oo maalmahan Beesha Xawaadle uga socday magaalada Beledweyne, uuna hoggaaminayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, ayaa soo dhammaaday, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed lagu shaaciyay mowqifka kama dambaysta ah ee beesha ee doorashadii Jowhar ee uu ku soo baxay Cali Guudlaawe.

Beesha ayaa sidoo kale ku dhawaaqday bannaanbaxyo waaweyn oo Axadda, 15-ka bishan, ka dhacaya Beledweyne, kuwaas oo lagu taageerayo go’aannada ay gaartay beesha.

Dhanka kale, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku guuldarreysatay dadaallo ay ku dooneysay inay ku baajiso go’aannada beesha, iyadoo aan la dhageysan laba wafdi oo dowladda ay afartii maalmood ee la soo dhaafay u dirtay xarunta gobolka Hiiraan, si ay beesha u dajiyaan, suura-galiyaanna jawi wada-hadal