Sida warar sugan xaqiijinayaan Golaha Wasiirada ayaa caawa yeelanaya kulan degdeg ah, waxaana lagu wadaa in la horkeeno wax kabaddalka Xeerka Doorashooyinka ee Dawladda Xil-gaarsiintu ku qabanaysay doorashooyinka Maamulada.

Xukuumadda ayaana doonaysa in nooca doorashada ee xubnaha Baarlamaanku ku imaanayaan lagadhigo Liis xiran. Hore xeerka hadda ay xukuumaddu ku shaqaynaysay ayaa ahaa mid furan (Open).

Marka xukuumaddu ay waxkabaddal kusamayso xeerka, kanadhigto mid xiran( Closed list) waxaa dib loogu celinayaa Baarlamaanka si ay wax kabaddalkaas u ansixiyaan.

Closed iyo Open list waxay ku kala duwan yihiin; ka furan oo hadda laga guurayo, waxaa la shaaciyaa liiska tartamayaasha. Midka loo guurayo ee Xiran ama Closed list, ma jirayo liis la shaacinayo. Waxaana awoodda magacaabista xubnaha xildhibaannada yeelanaya xisbiga.

Qorshahan xukuumaddu qaadatay lama garanayo sida u dhaqan galayo maadaama aan dalka siyaasadiisa heshiis lagu ahayn. Madaxtooyadana laga rabo inay mucaaridka iyo dawlad goboleedyada kala heshiiso siyaasadda guud, dastuurka iyo doorashada dalka.

Nuqulka Wax-kabaddalka Xeerka Doorashada ee la horgaynayo Golaha Xukuumadda:

Nuqul ay heshay Somali Stream oo ah xeerka wax laga baddalay ee la horgaynayo Xukuumadda Xil-gaarsiinta Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa taabanayaa nidaamka doorashada ee dalka.

Nidaamka doorashada ee dalka ayaa laga dhigay, Nidaamka Dheelitiran iyo liis xiran. meelaha wax laga baddalay waxaa ugu weyn in Xubnaha Aqalka sare lagu saleeyay 18-kii Gobol ee dalka, waxaana laga qaaday heer dawlad Goboleed.

1. Golaha Shacabka.

B. Golaha Shacabka waxaa dooranaya dhammaan codbixiyeyaasha diiwaangashan ee JFS, waxaana ku tartamaya ururrada/xisbiyada siyaasadeed ee ka diiwaangashan Guddiga Madaxa-bannaan Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

2. Aqalka Sare

T. Aqalka Sare waxaa uu ka kooban yahay 54 xildhibaan waxaana laga soo dooranaya 18-kii gobol ee dalka, waxaana soo dooranaya codbixiyeyaasha diiwaangashan ee deegaanka gobolkaas iyada oo ay ku tartamayaan ururrada/xisbiyada diiwaangashan ee dalka.

J. Haddii ay doorashada Aqalka Sare ka qabsoomi waydo Dowlad Goboleed sababo amni ama duruufo jira oo aan saamaxayn doorashada, waxa ay ururradu/xisbiyadu ugu kala guulaysanayaan kuraasta xubnaha dawladgoboleedkaas sida ay ugu kala guulaysteen saamiga kuraasta ay ururradu/xisbiyadu ka heleen Dowlad Goboleedyada kale ee doorashadu ka qabsoontay.

Yaa horgeynaya xukuumadda wax ka bedelka xeerkan:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cali Xoosh ayaa horgaynaya Golaha Xukuumadda, Waxkabaddalka Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

Meelaha ugu muhiimsan ee ka muuqdo waa doorashada aqalka Sare, waxaa laga saaray Dawlad Goboleedyada, waxaana loo celiyay 18-kii Gobol.

Halkan waxaa ku qarsoon in Gobolka Benaadir uu qaybsigan cusub uu ku helayo metalaad, haddii la dhaqangeliyo waxkabaddalka ay xukuumadda xilgaarsiintu ku samaynayso xeerka aan la isku raacsanayn ee doorashada.

Xog iyo Faah-faahin dheeraad ah:

Xeerarka wax laga baddalayo caawa waxaa kamid ah Xeerka diiwaangelinta Ururada iyo xisbiyada.

Sida ku qoran xeerka cusub, Waxaa xisbi loo aqoonsanayaa ururka kasta oo hela 10% kuraasta Baarlamaanka. Waxaana la tirtiray faqraddii ku xadidisay 3 xisbi bes inuu dalku yeelanayo.

Waxaa la tirtiray SSC-Khaatumo, waxaana laga saarayaa magacaas xeerka cusub.

Dhammaan isbaddalada la samaynayo Caawo ayaa ah kuwa hal dhinac ka socda, waxaana la eegayaa falcelinta ka dhalata iyo qaabka ay ugu jawaabaan dawlad goboleedyada iyo mucaaridka dalka.