Jamhuuriyada Congo ayaa dil Toogasha ah ku xukuntay Ugu yaraan 66 askari, kaddib markii lagu helay eedeymo la xiriira fulaynimo, kacdoon ciidan iyo diidmada amarada saraakiishooda.

Xukunnadan ayaa dhacay kadib markii 71 askari lasoo taagay maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Walikale, gobolka North Kivu ee bariga DR Congo. Afar askari ayaa wax dembi ah lagu waayay, halka askari kale lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah.

Milatariga dalkaas ayaa sheegay in maxkamadeynta looga golleeyahay xoojinta anshaxa iyo kala dambeynta ciidamada, xilli ay dagaal kula jiraan kooxaha hubeysan ee ka dagaalama bariga dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askarta la xukumay lagu xiray 20-kii Oktoobar magaalada Walikale, kaddib markii lagu eedeeyay inay ka tageen fariisimahoodii, kana carareen goobihii dagaalka intii ay iska horimaadyadu socdeen.

Howlgallada ciidamada Congo ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan, gaar ahaan M23, waxaa muddo dheer wiiqayay anshax-xumo, nidaam-darro iyo isku-duwid la’aan ka dhex jirta ciidamada dowladda.

Dowladda Congo ayaa marar badan ku eedeysay dalka deriska la ah ee Rwanda inuu taageero kooxda M23, eedeymahaas oo ay beeniyeen Kigali iyo fallaagada, inkastoo ay jiraan caddeymo badan oo arrintaas la xiriira.

Ciidamada Congo ayaa sidoo kale wajahaya dhaleeceyn joogto ah oo ku saabsan xirfad-yari iyo anshax-xumo, halka askartu ay ka cabanayaan mushaar hoose iyo qalab ciidan oo aan ku filneyn.

Bishii hore, 27 askari oo kale ayaa dil toogasho ah lagu xukumay, kaddib markii lagu eedeeyay fulaynimo iyo inay ka baxeen jiidda hore ee dagaalka intii ay iska horimaadyadu socdeen.

Bishii Maarso 2024, dowladda Congo ayaa meesha ka saartay hakad 20 sano ah kujiray fulinta xukunada dilka, iyadoo sheegtay in tallaabadaas looga golleeyahay in ciidanka laga sifeeyo waxa ay ugu yeertay “khaa’imiin”.

Tirokoob ay soo ururisay warbaahinta Faransiiska ee RFI ayaa muujinaya in tan iyo bilowgii 2025, ugu yaraan 507 askari lagu helay dambiyo, kuwaas oo 381 ka mid ah lagu xukumay dil toogasho.

Bishii Oktoobar 2025, madaxweynihii hore ee Congo, Joseph Kabila, ayaa isaga oo maqan lagu xukumay dil toogasho, kaddib markii lagu helay eedeymo ay ka mid yihiin dambiyo dagaal iyo khiyaano qaran. Kabila ayaa beeniyay eedeymaha, balse ma uusan imaan maxkamadda si uu isaga difaaco. Wixii markaas ka dambeeyay, waxaa loo magacaabay hoggaamiyaha isbahaysiga fallaagada ee FRN.