Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo mar kale ka qarxay bannaanka magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo ciidamada daacadda u ah Cabdicasiis Lafta-gareen oo weeraray fariisimaha ciidanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu si gaar ah uga dhacay aagga deegaanka Burijeed, isla markaana ay halkaas isku farasaareen labada dhinac oo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

wararka ayaa intaas kusii daray in dagaalka ay ka qayb-qaadanayaan diyaaradaha nooca loo yaqaano F16, kuwaasi oo duqeymo ka fulinayay aagga uu ka dhacay dagaaalka.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, xilli muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Lafta-gareen ay isku ballaarinayeen qaybo badan oo kamdi ah Koonfur Galbeed, iyaga oo qabsaday degmooyin iyo deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool iyo Sh.hoose.

Soo noqnoqoshada dagaallada ayaa walaac gaar ah ka abuurtay magaalada Baydhaba, oo ah xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed isla markaana hoy u ah boqolaal kun oo qof oo ku barakacay colaadaha iyo abaaraha ka jira qeybo kale oo dalka ah.

Dagaalka maanta ayaa muujiyay in uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galeed, isla markaana uu hadda galay marxalad ay labada dhinac marar badan awood militari isku dayayaan inay ku xaqiijiyaan gacan-ku-haynta maamulkaasi