Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo dhex muuqday munaasabadda furitaanka Ciyaaraha Olombikada Dhallinyarada ee Dakar 2026 oo markii u horreysay taariikhda lagu qabanayo qaaradda Afrika.
Furitaanka Munaasabadda oo shalay ka dhacday garoonka Abdoulaye Wade ee magaalada Diamniadio oo duleedka caasimadda Senegal ee Dakar ah, waxaa si rasmi ah u fuah ciyaaraha Madaxweynaha Senegal Bassirou Diomaye Faye.
Dakar 2026 ayaa ah markii ugu horreysay ee tartan Olombikada ah lagu qabto dhulka Afrika, iyadoo ay ka qaybgalayaan ku dhowaad 2,700 oo ciyaartoy da’doodu u dhexeyso 14 ilaa 17 sano, kuwaas oo ka kala socda dalal kala duwan oo caalamka ah.
Ciyaartoydu waxay ku tartami doonaan 25 nooc oo isboorti ah, iyadoo la bixin doono 153 billadood. Tartanka waxaa sidoo kale ka qaybgalaya koox matalaysa qaxootiga, waxaana dib loogu arkayaa mudo kadib ciyaartoyda Ruushka oo ku soo laabanaya tartamada Olombikada.
Ka qaybgalka Soomaaliya iyo muuqaalka calankeeda ee munaasabadda furitaanka ayaa muhiimad gaara u ah ciyaartoyda Soomaaliyeed iyo guud ahaan bahda isboortiga dalka.
Madaxweynaha Senegal ayaa sheegay in martigelinta ciyaarahan aysan ahayn oo keliya guul u soo hoyatay dalkiisa, balse ay tahay munaasabad ay qaaradda Afrika oo dhan ku muujinayso awooddeeda iyo doorkeeda horumarinta ciyaaraha.