Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo khatarta ku soo fool leh dalka
“Cidna uma maqnaa
Ceelna uma qodnaa”
Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee muxaafadka ahi waxa ay aad ula dhacsan yihiin doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn ee ay ka qabteen maamul-goboleedyada. Waxa ay aaminsan yihiin in ay dalka gacanta ku hayaan, iyaga oo iska indha-tiraya khatarta ka jirta meelaha ka baxsan caasimadda. Khatartaasi waa in kooxaha argagixisada ahi, iyaga oo kaashanaya xulufo shisheeye iyo kuwo sokeeyaba, ay qabsadeen qaybo badan oo dalka ka mid ah.
Dhanka Koonfur-galbeed, waxa muuqata in kooxahaasi ay ku sii siqayaan degmooyin muhiim ah, oo ay ka mid yihiin Xudur, Waajid iyo Baydhabo. Dhanka kale, isla xulafadaasi waxa ay colaad hor leh ka hurinayaan gobolka Hiiraan, iyaga oo doonaya in ay qabsadaan deegaanno ka tirsan Hirshabeelle.
Kooxda Al-Shabaab waxa ku socday isbeddel gudaha iyo dibaddaba ah wixii ka dambeeyey dagaalladii ay beelaha Soomaaliyeed la galeen. Sida ay sheegtay Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah (International Crisis Group) (1), kooxdu waxa ay go’aansatay in ay beddesho habkii hore ee ay beelaha ula macaamili jirtay, iyada oo gacantii adkayd iyo cadaadiska tooska ah ku beddelaysa habab diblomaasiyadeed iyo xeelado siyaasadeed.
Sidoo kale, waxa muuqata in wareysiyadii ugu dambeeyey ee ay bixiyeen qaar ka mid ah xubnaha kooxda, oo uu ka mid yahay wareysigii abwaan Nageeye Khaliif (2), iyo dabbaaldegyadii ay deegaannadooda ka sameeyeen maalinta calanka, ay muujinayaan in ay jiraan isbeddello ku yimid habka ay isu soo bandhigayaan. Waxa laga dheehan karaa dadaal ay ku doonayaan in ay isu muujiyaan awood siyaasadeed oo aqbashay xaqiiqada dawladnimada casriga ah iyo jiritaanka xuduudaha caalamku aqoonsan yahay, inkasta oo aanay taasi keligeed caddayn u ahayn in ay ka tanaasuleen dagaalkooda ama himilooyinkooda hore.
Tani waa arrin mudan in si dhab ah loo fahmo, maadaama ay muujinayso in kooxaha hubaysani ay mararka qaarkood beddelaan xeeladahooda si ay u gaaraan ujeeddooyinkooda siyaasadeed. Waxaana tusaale ahaan loo soo qaadan karaa Taalibaan iyo Axmed Al-Sharaa, kuwaas oo duruufo kala duwan ku gaaray in ay door muuqda ku yeeshaan nidaamyada siyaasadeed ee dalalkooda.
Xaqiiqadan adag waxa kooxda xukunka ka maaweeliyey dabaqyada dhaadheer ee Muqdisho laga dhisay iyo muuqaallada baraha bulshada lagu baahiyo. Kooxda hoggaanka u dhaw Waxa ay taliska u sheegaan in dalku gacantooda ku jiro, mucaaradkeena ka adkaadeen, dadkuna rabo.
Buugga Kalahaadkii Muqdisho (3), ee uu qoray Yuusuf Maxamed Xayd, waxa uu ka warramayaa maalmihii ugu dambeeyey ee taliskii Siyaad Barre iyo sida ay kooxdiisu u maaweelinaysay.
Habeenkii, waxay madaxtooyada ugu tegi jireen odayga oo fadhiya miiskii culusaa ee aan khaanadaha lahayn, isaga oo cabbaya qaxwihii madoobaa, iskana daba shidaya buurigiisii uu jeclaa. Markii ay hareerihiisa isugu yimaaddaan, waxay u sheegi jireen hadallo dhegaha u macaan, balse qaranka u qaraar.
“Dalka cid aan adiga ahayn ma maamuli karto,” ayay oran jireen. “Dadku dhammaantood adiga ayay ku rabaan; ha tegin.”
Hadalladaasi waxay ahaayeen sida hees macaan oo lagu lulayo nin taagan cirifka tog qoto dheer, iyada oo aan loo sheegin halka ay tallaabada xigta ku dambayn doonto. Laaca aragtaye laagga ma ogtahay.
Raggaasi ma ahayn dad talo qaran xambaarsan. Waxay ahaayeen kuwii harka kacaanka ku macaashay, hantidii ummaddana ka dhistay qasriyo dhaadheer oo mararka qaarkood ka qurux badnaa madaxtooyada lafteeda. Waxay moodayeen in darbiyada dhaadheer iyo albaabbada birta ahi ay weligood ku waari doonaan.
Akhriste maa mooddaa kuwa hadda jooga in aan ka sheekaynayo.
Markii ay duufaantii timid, oo ay magaalada soo galeen xoogaggii Jabhadda USC, qasriyadii waxay noqdeen dhagaxyo aan ka difaaci karin musiibada. Albaabbadii waa la jebiyey, hantidiina waxaa dhacay maleeshiyaadkii iyo kooxihii hubaysnaa. Qaar waxay ku dhinteen guryihii ay ku faani jireen; wixii labaatanka sannadood la tabcayayna hal habeen ayay ku baaba’een. Kuwo yar oo nasiib leh ayaa carruurtoodii la cararay, iyaga oo magaaladii uga baxay xaalad nololeed oo aad u liidata.
Taariikhdu waxay leedahay caado aan si fudud isu beddelin: marka markabku degayo, kuwa ugu dhow kabtanka ayaa inta badan ka mid noqda dadka ugu horreeya ee ay biyuhu qaadaan.
Jilayaasha taariikhdu way is beddelaan, laakiin casharradeedu isma beddelaan.
Aan isla eegno mucaaradka iyo xaalkooda
Mucaaradku waxa ay ka walaacsan yihiin in Xasan Sheekh ku adkaysto doorashada uu damacsan yahay, taasina dalka geliso qalalaase. Sidaas darteed, waxa ay xoogga saarayaan in beesha caalamku soo dhexgasho oo ay dhinacyada is haya heshiisiiso.
Tani waa rejo soo noqnoqotay oo ay Soomaalidu ka qabto dalalka shisheeye mar kasta oo dalku qarka u saaran yahay burbur. Waxaase mudan in la isweydiiyo: intee ayaynu ku tiirsanaan karnaa awoodaha dibadda, duniduna tii hore ma tahay?
Wareysi uu Dhaxalreeb la yeeshay Alex de Waal ayaa si qoto dheer u iftiiminaya waayo-aragnimadii uu ka helay Soomaaliya xilligii dagaalkii sokeeye (4). Waxa uu sheegay in uu la kulmay Maxamed Faarax Caydiid, Cali Mahdi iyo hoggaamiyeyaashii kale ee kooxihii hubaysnaa.
Sida uu xusay, hoggaamiyeyaashaasi waxay muujiyeen rabitaan ay ku doonayeen in dagaalku dhammaado, waxayna rejo ka qabeen in Maraykanku soo farageliyo, dhexdhexaadiyo dhinacyada is haya, isla markaana Soomaaliya ka badbaadiyo burburka sii xoogaysanayay.
Heerkii baa weli joognaa, in nala heshiisiyo maahane ma heshiino.
Su’aal ayaa mudan se, in mucaarad iyo muxaafadba isweydiiyo : Dalku ma gaari doonaa doorashada isaga oo weli leh awood dawladnimo oo shaqaynaysa, mise inta lagu muransan yahay doorashada ayaa la qabsan?
Su’aashani ma aha mid la iska indho tiri karo. Si gaarana waa dareen ay qabaan indheergaradku.
Waa su’aashii ay ahayd in siyaasiyiintii Afgaanistaan isweydiiyaan ka hor intii aanu Taalibaan dib ula wareegin talada dalka.
Casharkii Afgaanistaan: Sidee ayay dawladdu u burburtay?
Burburkii Jamhuuriyaddii Afgaanistaan ma ahayn mid hal habeen dhacay; waxa ka horreeyey khaladaad siyaasadeed oo is biirsaday. Sida lagu sheegay warbixinnada Kormeeraha Guud ee Dib-u-dhiska Afgaanistaan (Special Inspector General for Afghanistan Reconstruction — SIGAR) (5), waxa dawladdu ku wiiqantay ku tiirsanaanta ciidammada shisheeye, awoodda oo ay koox yar isku urursatay, musuqmaasuq baahsan, kalsoonidii shacabka oo luntay iyo hoggaan iska indho tiray xaqiiqada taagnayd.
Maanta, Soomaaliya waxa ka muuqda astaamahaa dhammaantood. Dawladdu waxay si weyn isugu halaynaysaa taageerada dibadda, oo ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga iyo duqeymaha Maraykanka. Dhanka kale, kalsoonidii shacabka way wiiqantay, iyadoo maalin kasta dad danyar ah la barakicinayo. Musuqmaasuquna xargaha ayuu goostay, siyaasiyiintuna kuma heshiin karaan hannaan doorasho oo dalka ka saara ismari-waaga.
Waddada maanta lagu socdo ma horseedayso badbaado iyo xasillooni waarta. Casharka Afgaanistaan waa cad yahay: Shisheeye nama badbaadin karo, namana heshiisiin karo.
Aan wax ka barano sooyaalkeenii burburka iyo kuwa dalalka kale, intaa lawada timban aan isbaabaadinno.
Maanso uu leeyahay Abwaan Weedhsame oo la yiraahdo “Gelmi-dhabad” ayaa oranaysa;
Maalintay gumawduun haday garato iinteeda
Maalintay gabnowduun haday dayato gaaxdeeda
Maalintaa la gaaduun haday gamaska raadcayso
Maalintay gawaan taal haday garabka uun eegto
Maalintay god jiiftiyo markay boogtu wada gaadho
Yaa gadaal usoo celin tolow garasho waa yaabe?
Hal waddo oo keliya ayaa Soomaaliya u furan si ay uga badbaaddo khatarta sii kordhaysa: in doorashada laga heshiiyo, danta qarankana laga hormariyo loollanka kursiga. Haddii kale, inta siyaasiyiintu ku muransan yihiin awoodda, ayaa la wada dumayaa.
Waa tii maahmaahdii Soomaaliyeed ahayd: “Dhiciska inta mindida loo soo wado ayuu bakhtiyaa.”
Xigashooyin.
2.https://youtu.be/n9QsFtCGRJE?si=_swQ4SzC7xutHcpL
3.https://www.amazon.com/dp/B0CDQTYPT3?lv=shuf&channelId=500&plpRedirect=mhFallback
4.https://youtu.be/oYsP5QPA8Q4?si=SQoA2MQ56MXeA8qp
5.https://www.govinfo.gov/content/pkg/GOVPUB-S-PURL-gpo220710/pdf/GOVPUB-S-PURL-gpo220710.pdf
W/Q: Cabdiraxmaan Dhuxul