Tiirarka dowladnimada dalkeennu waxay ku taagan tahay habka baarlamaaniga ah oo leh saddex awoodood, Garsoorka, Gollaha sharci dejinta (Baarlamaanka) iyo Golaha fulinta ee wasiirka koowaad. Waxaana saddaxda laamood saldhig u ah dastuurka iyo Madaxweynaha oo korjoogteeya.

Saddexda golle waxaa doorta oo meel mariya xubnaha baarlamaanka. Muhimadda ay leedahay in hay’adahani maraan baarlamaanka, waa in qaab dhismoodkooda loogu tala galay in ay is dheeli tiraan, leeyihiin shaqooyin kala baxsan, midba kan kale kor joogteeyo.

Madaxweynuhu waa hogaanka, astaanta iyo ilaaliyaha dastuurka, u taagan madax banaanida iyo midnimada dalka. Raysalwasaaruhu waa fuliyaha shaqooyinka iyo siyaasadda dowladda. Baarlamaanku waa kormeeraha labadan xafiis oo kula xisaabtamaya gudashada shaqooyinkooda.
Garsoorkuna, waa laanta ilaalisa dastuurkana, kana garnaqda khilaafaadka sharci, waana hay'adda xakamaha u ah fulinta.

Markii la doortay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud 15 May 2022, wuxuu wakhti ka fekeray cidda uu raysalwasaare ka dhigayo, isagoo maanka ku haya dhibaatadii qabsatay xilligiisii koowaad ee madaxtinimada oo intuu ku dhex haftay, sida hawlaha xafiisyadu u kala baxsan yihiin, afar sano oo uu xukunka joogay magacaabay saddex raysalwasaare oo uusan midna ku nasan.

Isaga oo waayo aragnimadaa hore ka duulaya, Madaxweyne Xasanka labaad, wuxuu geliyey fikir badan siduu u urursan lahaa awooda labada xafiis ee baarlamaanka iyo raysalwasaraaha, Wakhti iyo fikir badan kumuusan bixin raadinta qofnimada Sheekh Aadan Madoobe oo noqday gudoomiyaha baarlamaanka, wuxuuna xisaabtiisa ku helay dhaqankiisa tagtadii uu siyaasadda ku soo jiray, wuxuuna xaqiiqsaday in helitaankiisu ku xiran tahay shilimaad farqaha loogu shubo, uu hawl kar ku yahay ilaalinta lacagta in aysan farihiisa ka bixin. Sheekh Aadan Madoobe wuxuu faraha ka qaaday awoodihii sharci ee gacantiisa ku jiray oo keentay in ansaxnimadiisii gaartay in la meerl mariyo sharciyo badan oo wax ku qoran aan la aqoon, sidaasna uu ku qaatay magaca bixinta cusub ee “Mr. Ansax”.

Qofka labaad ee muhiimka u ah dowladnimada, uuna Madaxweyne Xasan wakhti geliyey raadintiisa waa qofka noqonaya Raysalwasaare, wuxuu wejiyada faraha badan ee soo codsaday jagada ka dhex baadi doonay ruux qofeed ay samaysankeedu u suuraysnayd, wuxuuna soo helay Xamse Cabdi Barre.

Marka Xamse sooyaalkiisa siyaasadda la eego, waa nin aaminsan xilka loo dhiibo in uu leeyahay qofka u dhiibay, noociisa qofnimo ay tahay in wax uusan lahayn lagu sharfay, ayna waajib ku tahay gar iyo gardarro in loo shaqeeyo qofka ku magacaabay, waxaa taas tusaalihiisii koowaad ah, doorashadii Jubba Land ee dhacday 2019 oo uu soo maamulay, taasoo ku caan baxday “saddex keeno, mid ka dooro”

Ninkii uu hawshaa u qabtay waa kan maanta ay isugu neceb yihiin, ma ahan in shakhsiyadda Xamse is bedeshay, mana ahan sharci iyo fikir siyaasadeed oo la isku diiday, ee duruufta waxay ku timid Xamse oo aaminsan in uu u tegey xero geel nin kale leeyahay.

Raysalwasaaruhu waa jagada ugu muhiimsan hawl fulinta dowladda, waa xafiiska ugu mashquulka badan ee dhaqaajiya, arrimaha amniga, diblomasiyadda, dhaqaalaha, xiriirka caalamiga, arrimaha gudaha iyo xiriirada kale ee hay’adaha dowladda. Sida cad, dhammaan awoodihii xafiiskani lahaa waxay ku urureen gacanta Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo u magacowday la taliyayaal qoysaysan oo u shaqeeya sidii wasiirro dadban, wuxuuna xafiiskii raysalwasaaruhu noqday goob la isaga nasto oo lagu sugo ballamaha madaxtooyada.

Yaa Khasaaray?

In xafiisyada dowladdu kala madax banaanaadaan waxay faa’iido u tahay qofka xukunka haya, dowladnimada iyo guud ahaan dalka, waxaana kala madaxbanaanida hawlaha xafiisyada lagu baxsadaa xilliga adag ee dalku galo kala guurka doorashada.

Dalka, xilligan waxaa ka jira firaaq maamul, hay'addii fulintuna waxay noqotay shaqo la'aan. Dhaliisha ugu waynna waxaa leh, hoggaamiyaha xushay shaqsiyad culays mooyee aan currin lahayn. Maanta haddii uu xafiiska wasiirka koowaad shaqo ku mashquulsan yahay, Guddoomiyihii Maxkaamadda Sare, safaarad shisheeye magangalyo ma waydiisteen?

Madaxweyne Xasan Sheekh, sida ay hadda tahay xaaladda dowladda uu hogaminayaa waa natiijada ka dhalatay awoodihii kala madax banaanaa ee uu xafiiskiisa ku urursaday, wuxuuna ka dhaxlay in hawlihii faraha badnaa ee dowladda ay dayacan yihiin, uusan meel ku ogayn xaaladda dalka, waxaa muuqanaysa in madaxweynuhu ku dhex waashay culayska shaqo ee uu gacmihiisa ku urursaday.
Tan kale waa in uu waayay ciirsi la xaliya xaaladaha murugsan ee dalka, waxaa tusaale inoogu filan, maanta xafiiska Raysalwasaaruhu kama buuxin karo dowladnimada arrimaha siyaasadda, xiriirada dibadda, dhaqaalaha, amniga, xitaa arrimaha qabaa’ilka wax ugama taro, iyadoo uusan maalinna cag dhigin maamulkii uu reer ahaanta uga soo jeeday ee siyaasadiisa madiidinka ahi ka soo bilaamatay (Jubba land).

Dowladda Xasan Sheekh oo wakhtigeedii dhammaaday, waxay baahi weyn u qabtaa cid dowladda ka tirsan oo dadka Soomaaliyeed aamini karaan, xafiiskii Raysalwasaaraha ee buuxin lahaa oo noqon lahaa halka loo baxsado, kana saari lahaa dalka marxaladda kala guurka, madaxtooyadu mar hore ayay liqday. Bedelkii, waxay dantu ku khasabtay in marba sarkaal ka tirsan dowladda ay u soo dirto mucaradka, iyagoo wada fariin tilmaamaysa khatar digniin oo ka dhan ah jiritaanka dowladnimada ay soo furfurtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la’yahay sheekhii yaasimin lahaa xilliga sakaraadku hayo maamulkiisa, waayo sheekhii yaasiinka akhrin lahaa iyadaa ku riday ceel uusan ka soo bixi karayn.
Jidka u furan waa in uu maskaxdiisa dib u celiyo oo siduu uga fekeray bilowgii xukunkiisa in uu awoodaha dowladda urursado, mar kale uu raadiyo qof yaasimin kara xukunkiisa, uuna iska tuuro Xamse oo ah hillib dheeraad ku ah oo kor saaran jirkiisa oo uu hubo in uusan sii sidi karayn culayskiisa.

Maxamed Xasan Cirro
Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya (FIET)