Wasiirka Warfaafinta ee afka Xukuumadda Federaalka ah ku hadla, Cabdifataax Qaasim, ayaa maanta sheegay inaysan jirin meel ay ugu aqoonsadeen argagixiso Madaxweynihii Dawladda Federaalka ah ka qabsatay Baydhabo, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Diidmada dawladda federaalka ah ay iska fogeysay in Cabdicasiis Laftagareen iyo maamulkiisu yihiin argagixiso ayaa si cad meesha uga saaraysa go’aankii ay xukuumadda Aadan Madoobe ee ka arrimisa Baydhabo ugu aqoonsatay maamulkii ay beddeshay inay yihiin argagixiso.

Beeninta uu Wasiir Cabdifataax Qaasim meesha uga saaray go’aanka maamulka Aadan Madoobe ayaa timid kaddib markii duqayn ay geysatay dawladda federaalka lala beegsaday Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Generaal Mahad Cabdiraxmaan (Shub), taas oo ka dhacday magaalada Doolow, habeenkii 3-dii Sebtembar.

Inkasta oo uu wasiirka warfaafinta Soomaaliya caddeeyay innaan dawladda u aqoonsanayn Laftagareen iyo maamulkiisa inay yihiin argagixiso, haddana hadalkiisa ayaa loo arkaa mid aan lahayn qiime lagu go’aan qaadan karo, maadaama aysan hore u beenin dawladda federaalka markii uu soo baxay go’aanka Sheekh Aadan.

Saamaynta ka dhalatay go’aankii lagu duqeeyay hoyga Taliye Mahad ka degganaa magaalada Doolow ayaa weli ah cinwaanka ugu weyn ee Soomaaliya. Madaxda dawladda federaalka ayaana ka dhuumanaya inay hor yimaadaan dadka, iyaga oo caddaynaya weydiimaha u baahan jawaabta ee ku xeeran duqaynta. Dhammaan siyaasiyiinta mucaaridka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ayaa aad u cambaareeyay weerarka lagu qaaday Xildhibaan iyo Taliye hore Mahad Cabdiraxmaan.

30-kii bishii dhammaatay ee Agoosto ayay ahayd markii maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa liiska argagixisada Al-Shabaab ku daray Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo dagaal kula jira maamulka Aadan Madoobe. Maamulka Aadan Madoobe ayaa u cuskaday ku-darista Cabdicasiis Laftagareen liiska argagixisada inuu ka aragti duwan yahay, isla markaana doonayo inuu dib u qabsado magaalada Baydhabo, oo ciidanka dawladda federaalka ahi ay ka saareen gacantiisa.

Afar maalmood kaddib go’aanka maamulka Aadan Madoobe waxaa duqayn uu ka badbaaday lagu fuliyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Waana sababta keentay in dawladda federaalka ah ay hadda ka dhuumato go’aanka maamulka ay kadhistay Baydhabo uu ka qaatay maamulka Cabdicasiis oo weli ku doodaya inay yihiin maamulka sharciga ah ee kajira Koonfur Galbeed.