Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, dalka wuxuu soo maray marxalado siyaasadeed oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dowlado ku-meel-gaar ah iyo dowlado lagu dhisay nidaamyo dastuuri ah oo aan weli si buuxda u dhammaystirmin. Muddo ka badan soddon sano, Soomaaliya waxay dadaal iyo dhaqaale badan ku bixisay dib-u-dhiska dowladnimada, dhammaystirka dastuurka iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Maanta, Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad ay jiraan isbeddello muuqda oo dhanka amniga iyo dib-u-soo-kabashada dalka ah. Marka loo eego xaaladihii adkaa ee dalka soo maray, amniga qaybo badan oo dalka ka mid ah wuu soo hagaagay, waxaana sii kordhaya rajada laga qabo in Soomaaliya ay dib u hanato sumcaddeedii, isla markaana ay noqoto dal ay dadku si kalsooni leh u booqdaan, ganacsigana u maalgashadaan. Hase yeeshee, horumarkaasi ma tirtirayo caqabadaha siyaasadeed ee weli taagan.

Cabsida ugu weyn ee maanta shacabka Soomaaliyeed haysta ma aha oo keliya khatarta amni iyo qaraxyada, balse sidoo kale waa sida uu dalku uga gudbi doono marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee la xiriirta doorashada la filayo inay dhacdo 15-ka May 2027.

Su’aasha taagan ayaa ah: Sidee ayay doorashadani u dhici doontaa, yaase dammaanad qaadi kara inay ku dhammaato heshiis siyaasadeed iyo xasillooni?

Saddexdii doorasho madaxweyne ee ugu dambeysay Marka dib loo eego taariikhda doorashooyinka Soomaaliya iyo qaabka wax u dhaceyn markii la eego waxa ay kala ahaayeen sida tan.10-kii Sebtembar 2012 madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

kaddib markii uu baarlamaanka kaga adkaaday  Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Doorashadaasi waxay soo afjartay marxaladdii kala-guurka siyaasadeed ee dalka.

Sioo kale 8-dii Febraayo 2017 madaxweyen Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa loo doortay madaxweynaha, kaddib markii uu wareeggii labaad kaga adkaaday madaxweynihii xilka hayay, Xasan Sheekh Maxamuud.

Halka  doorashadii ugu dambeesay ee 15-kii May 2022 madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud  mar labaad loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ka guuleystay madaxweynihii xilka hayay ee Farmaajo.

Saddexdan doorasho waxay muujinayaan in Soomaaliya ay soo martay marxalado kala duwan oo siyaasadeed.

Doorashadii 2017 waxee  si muuqata u muujisay muhiimadda ay leedahay aqbalidda natiijada, iyadoo Xasan Sheekh uu aqbalay guuldarrada, Farmaajana uu ku guuleystay xilka madaxweynaha.

sidoo kale, doorashadii 2022 waxay ahayd marxalad kale oo muhiim ah oo dalka u horseeday hoggaan cusub.Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinkaas waxaa hareeyay muranno siyaasadeed, khilaafaad iyo dooddo la xiriiray muddada xilhaynta iyo hannaanka doorashada.

Arrimahaasi waxay marar badan dhaawaceen kalsoonidii shacabka, waxayna dalka geliyeen xaalado siyaasadeed oo halis ku ah xasilloonida iyo jiritaanka hay’adaha dowliga ah ayadoo sameysantay badbaado qaran.

Waxaa intaas sii dheer  dastuurka ku-meel-gaarka ah oo muddo dheer muran iyo dhammaystir u baahnaa ayaa ka mid noqday qodobbada ugu waaweyn ee khilaafaadka siyaasadeed ka dhashaan.

Dhanka kale, aragtida shacabka iyo dadka indheergaradka siyaasadeed ayaa ah in aan loo baahnayn in mar kasta dalka lagu celiyo khilaafaadkii hore.

Waxaa la joogaa waqtigii dhinacyada siyaasadeed ay muuji lahaayeen tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo masuuliyad qaran.

Doorashada soo socota waa in loo arkaa fursad lagu xoojin karo dowladnimada, laguna dhisi karo kalsoonida shacabka. Waxaa muhiim ah in la helo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, loo dhan yahay, sharciyaddiisuna cad tahay, isla markaana aan dalka u horseedin qalalaase siyaasadeed ama isku dhac hubeysan.

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, mucaaradka, baarlamaanka, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah dhammaantood waxay leeyihiin door muhiim ah.

Waa in la abuuro jawi wada-hadal oo furan, lagana heshiiyo xeerarka iyo habraacyada doorashada ka hor inta aan la gaarin waqtigeeda.

W/Q:Abdinasir Hassan Caato