Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka iyo Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Daahir, ayaa markii ugu horraysay sheegay shaqsigii amray oo fuliyay weerarkii lagu qaaday guriga hoggaamiyaha ururka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo dawladda Soomaaliya ay weerartay Disembar, 2017 iyo weerarkii 3-bishan lagu duqeeyay Taliye Mahad Cabdiraxmaan.

Fahad oo ka hadlayay duqaynta cusub ee dawladda federaalka ah ku qaaday xildhibaan hore iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan, ayaa faafiyay qoraal kooban oo ahaa “Mar ayuu noqday Ku-simaha Taliyaha Nabad Sugidda, wuxuu hoggaamiyey weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Mar labaad ayuu Ku-sime u noqday Madaxweyne xeer-dhaaf ah, haddana wuxuu hoggaamiyey weerarkii Drone-ka ee Degmada Doolow ee lagu shirqoolay Taliye Mahad Cabdiraxmaan (Shub)”.

Inkasta oo uusan si cad carabka ugu dhufan Fahad Yaasiin shaqsiga weeraradaas fuliyay oo amray, haddana marka taariikhda la raaco, labada marba xilalka uu Fahad sheegay waxaa ku-sime ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee xilligan, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Hadalka uu faafiyay Taliyihii hore ee NISA ayaa noqonaya caddayntii ugu horraysay ee cidda amartay labadaas weerar ee lagu kala qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Mahad Cabdiraxmaan.