Weedh Kooban
Doodda ku saabsan Qaraarka uu soo saaray Golaha Wasiirrada ee taabbagelinta Dastuurka iyo kordhinta muddada loo asteeyey hirgelintiisa laguma soo koobi karo falanqayn ah in qaraarku sax ama khalad yahay oo qura.
Waa arrin ka ballaaran, oo u baahan in lagu eego xaaladda guud ee dalku ku suganyahay, gaar ahaan dhowrista sarreynta sharciga, awoodda hay’adaha dawliga ah ee gudashada waajibaadkooda, bixinta adeegyada bulshada, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo wixii la mid ah. Sidaas darteed, qiimaynta awoodda Golaha Wasiirradu uma baahna oo keliya fasiraad sharci.
Hay’adaha maaliyadeed iyo kuwa horumarinta caalamiga ah, sida Bangiga Adduunka, Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD), waxay xaaladaha nuglaanta dawladnimo (state fragility/weak state) ku falanqeeyaan dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin: Ku-dhaqanka iyo sarreynta sharciga; Awoodda iyo waxtarka hay’adaha dawladda; Amniga iyo xasilloonida siyaasadeed; Aasaaska dhaqaalaha iyo awoodda horumarineed.
Sidoo kale, sida aan ka soo xiganay Tusmada Dawladaha Nugul (Fragile States Index) ee 2024, Soomaaliya kaalinta koowaad ayey kaga jirtaa adduunka, taasoo muujinaysa nuglaanta dawladnimo. Qiimeyntan waxay xoojinaysaa doodda arrimaha kor ku xusan.
Haddii aan intaas ka soo gudubno, waxaa ila habboon inaan isla eegno jawaabta mawduuceenna iyo saddexda su’aalood ee udub-dhexaadka u ah; -
- Golaha Wasiirradu ma leeyahay awood dastuuri ah oo uu ku kordhin karo muddada lixda bilood ee hirgelinta ama ma beddeli karaa muddo uu Dastuurku dejiyey?
7da Oktoobar 2026, Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD), oo loo igmaday hirgelinta Dastuurka JFS, wuxuu soo saaray war-saxaafadeed la xiriira hirgelinta Qodobbada 81(f) iyo 117(3) ee Dastuurka JFS, kaas oo xusay arrimahan:
Muddada lixda bilood ee Dastuurku u qoondeeyey waafajinta tallaabooyinka maamul iyo Dastuurka la ansixiyey waxay ku egtahay 14ka Oktoobar 2026. Waxay bilaabatay maalintii Dastuurku dhaqan-galay, kaasoo ahaa 14ka Abriil 2026.
Sida ay sheegeen Guddigu 14ka Oktoobar 2026 waxaa dhaqan-gelaya Qodobka 81aad, Faqradda 1aad, xarafka (f), iyo Qodobka 117aad, Faqradda 3(a) ee Dastuurka. Labadan qodob waxay kala saarayaan xildhibaannada iyo Wasiirrada: wasiirka xildhibaanka ah wuxuu luminayaa xubinnimada Golaha Wasiirrada. Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu luminayaa xildhibaannimadiisa marka uu aqbalo xil kale oo dawladeed.
13 Oktoobar 2026: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay shir aan caadi ahayn si looga jawaabo warsaxaafadeedkii ay soo saarayn Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD), ayaa golaha wasiiradu soo saareyn Qaraarka Taabbo-gelinta Dastuurka, iyada oo goluhu u saaray Guddi ka kooban lix Wasaaraddood uu guddoominayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Haddii aan si kooban kuugu sheego, saddex arrimood ayaa saldhig u ah Qaraarka Golaha Wasiirrada: (1) in Guddiga Golaha Wasiirradu dardargeliyo fulinta Dastuurka; (2) in laba bilood lagu kordhiyo muddada lixda bilood ah ee Dastuurku u qoondeeyey waafajinta tallaabooyinka maamul iyo (3) diyaarinta warbixino lala wadaagayo dadweynaha sida ku cad sida ku cad qodobka 5aad ee Qaraarka. Saddexdan qodob waxay si cad uga hor imanayaan Dastuurka cusub laftiisa. Haddaba, aynu eegno;-
Guddiga Golaha Wasiirradu wuxuu qaadanayaa hawlo la mid ah kuwa Guddiga la socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (Qodobka 192) iyo Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (Qodobka 193), kuwaas oo loo xilsaaray korjoogteynta, isku-dubbaridka iyo hirgelinta Dastuurka, iyo diyaarinta warbixinnada dadweynaha.
Sidoo kale, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah hay’adda ugu sarreysa ee sharci-dejinta dalka, wuxuuna awood u leeyahay ansixinta shuruucda, diidmada/burinta, masixidda/tirtirid iyo soo saarista sharci kasta oo dalku yeelanayo iyo wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo la raacayo habraacyada iyo shuruudaha uu Dastuurku dhigayo.
Sidaas darteed, haddii wax laga beddelayo muddada ku xusan Qodobka 81aad, Faqraddiisa 1aad, Xarafka (f), iyo Qodobka 117aad, Faqraddiisa 3aad(a), ama lagu darayo waqti dheeraad ah, isbeddelkaasi waa inuu maraa habraaca wax-ka-beddelka Dastuurka ee uu Dastuurku jideeyey ama dhigayo. Arrintaasi ma aha awood uu Golaha Wasiirradu keligiis ku adeegsan karo qaraar ama warsaxaafadeed.
Haddaba, haddii Qaraarka Golaha Wasiirradu uu faragelinayo awoodaha Dastuurku u xilsaaray Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha dastuurka, ama labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaa lagama maarmaan ah in la buriyo maadama uusan heysan saldhig sharci.
Golaha Wasiirradu ma samayn karo habraac cusub oo lagu kordhinayo muddada lixda bilood ah ee Dastuurku cayimay. Sidaas darteed, tallaabadaasi waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay awood ka baxsan xadka sharciga (ultra vires), maadaama Laanta Fulintu ay ka tallaabsatay xuduudaha awoodaha dastuuriga ah ee loo igmaday.
Arrintan waxaa sii xoojinaya Qodobka 190aad ee Dastuurka, kaas oo qeexaya dhaqangalka Dastuurka iyo muddada lixda bilood ah ee loo asteeyey waafajinta tallaabooyinka maamul ee lagama maarmaanka u ah hirgelintiisa.
- Qaraarka Golaha Wasiirrada iyo Sarraynta Dastuurka?
Marka hore, Dastuurka cusub ee 2026 si gaar ah uma qeexayo macnaha sharciyeed ee qaraarrada Golaha Wasiirrada, mana jiro qodob si cad u siinaya awood guud oo qaraar loogu adeegsan karo in lagu hakiyo ama dib loogu dhigo waajibaadka uu Dastuurku dejiyey. Hase yeeshee, tani macnaheedu ma aha in Golaha Wasiirradu aanu awood u lahayn inuu soo saaro qaraarro maamul oo lagama maarmaan u ah gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.
Qodobka 5aad ee Xeerka Qaab-dhismeedka Xukuumadda Lr. 14 ee 3 Juun 1962, wuxuu qeexayaa awoodda Golaha Wasiirrada ee ansixinta xeerar iyo qaraarro u baahan ansixintiisa sida uu qabo xuduudaha uu oggolyahay ama dejiyey Dastuurka ama sharcigu.
Haddaba Golaha Wasiirradu ma adeegsan karaa qaraar si uu u hakiyo ama dib ugu dhigo fulinta waajib si cad ugu xusan Dastuurka? Jawaabta su’aashan waxaa saldhig u ah mabda’a sarraynta Dastuurka iyo kala-soocidda awoodaha dawladda.
Qodobka 4aad ee dastuuku wuxuu aqoonsanayaa xeerka ugu sarreeya ee dalka in uu yahay dastuurka (grund-norm), marka laga reebo Shareecada Islaamka, wuxuuna waajibinayaa in hay’adaha dawladda oo dhami u hoggaansamaan.
Waxaa intaa dheer, Qodobka 4aad, faqraddiisa 3aad wuxuu si cad u sheegayaa in xeer, go’aan ama tallaabo maamul oo ka hor timaadda Dastuurka uu noqonayo waxba kama jiraan. Qodobkani wuxuu si toos ah u khuseeyaa qiimaynta sharciyeed ee qaraarkan ka soo baxay Golaha Wasiirrada.
Mabda’an waxaa lagu soo koobi karaa weedha Laatiinka ah ee lex superior derogat legi inferiori, oo macnaheedu yahay in xeerka darajada sare leh uu ka sarreeyo xeerka darajada hoose leh. Sidaa darteed, haddii qaraar uu soo saaray Golaha Wasiirradu uu ka hor yimaado Dastuurka, qaraarku ma yeelan karo awood uu kaga sarreeyo Dastuurka, maadaama Dastuurku yahay xeerka ugu sarreeya ee dalka.
Haddii arrinta dhinaca kale laga eego, Golaha Wasiirradu wuxuu soo jeedin karaa in wax laga beddelo Dastuurka, haddii la raacayo habraaca dastuuriga ah ee khuseeya; hase yeeshee, awoodda soo-jeedintu lama mid aha awoodda wax-ka-beddelka. Fiiri Qodobka 189aad.
- Curfiga soo jireenka ahaa ee Magacaabista Golaha Wasiirrada ee Shantii Madaxweyne ee Ugu Dambeeyay iyo Toban Ra’iisul Wasaareyaashii Soomaaliya Tan iyo 2004
Qaabka loo magacaabo Golaha Wasiirrada iyo cidda awoodda u leh go’aaminta tirada wasaaraduhu way ku kala duwan yihiin nidaamyada dastuuriga ah ee dalalka adduunka, oo ay Soomaaliya ku jirto. Waxaa jira Saddex qaab oo waaweyn oo dawladuhu u nidaamiyaan tirada iyo qaab-dhismeedka Golaha Wasiirrada.
Qaabka Koowaad, Dastuurka ayaa si toos ah u cayima tirada wasiirrada ama lambarka ugu badan ee aan la dhaafi karin. Beddelidda xadkaas waxay u baahan tahay wax-ka-beddel dastuuri ah, kaas oo raacaya habraaca Dastuurku dhigayo, badanaana waxaa dajiya oo ku lug leh Baarlamaanka.
Tan iyo markii ay Soomaaliya dawladnimadeedii hanatay 1960kii, dastuurradii ay yeelatay midkoodna si toos ah uma cayimin tirada iyo hawlaha wasaaradaha, ama qaab-dhismeedka Golaha Wasiirrada, markii laga reebo axdiyadii 2000. Fiiri qodobkiisa 25aad kaas oo dhigaya Golaha Wasiiradu wuxuu ka koobanyahay Wasiirka 1aad iyo wasiiro tiradoodu ayan ka badan Karin shan iyo labaatan (25).
Qaabka Labaad, Dastuurada jira ee aduunka waxay u daayeen qeybtood go’aaminta tirada iyo waajibaadka wasaaradaha xeer uu Baarlamaanku ansixiyo. Haddaba qaabkaan iyo moodalkaan oo kale waxaa lagu caddeeyey Qodobka 116aad ee Dastuurka cusub wuxuu dhigayaa in uu baaralamanka jamhuuriyadda uu soo saaro Xeer Nidaaminaya Xukuumadda tiradooda iyo waajibaadkooda intuba.
Haddaba, su’aasha sharciyeed ee mudan in la isweydiiyo waa sidee ayay Xukuumaddu ugu cudurdaari kartaa dib-u-dhigista hirgelinta Qodobka 81aad, faqraddiisa (1)(f), iyo Qodobka 117aad, faqraddiisa (3)(a), ee Dastuurka, iyadoo ay jiraan xeerar kale oo dhaqan-gal ah oo aan ka hor imaanayn Dastuurka, sida Xeerka Qaab-dhismeedka Xukuumadda Lr. 14 ee 3 Juun 1962 iyo Xeer-nidaamiyaha Xukuumadda Lr. 174 ee 2025?
Qodobka 191aad, faqraddiisa (1), ee Dastuurku wuxuu dhigaya in dhammaan xeerarkii dhaqan-galka ahaa ka hor ansixinta Dastuurkan ay sii ahaanayaan kuwo lagu dhaqmo ilaa dib-u-eegistooda laga dhammaystirayo sida ugu dhakhsaha badan, si waafaqsan Dastuurka.
Sidaas darteed, waxaa mudan in la isweydiiyo in xeerarkii hore ee weli dhaqan-galka ahi, oo ay ku jiraan xeerar fulineed, ay buuxin karaan shuruudda sharciyeed ee Dastuurku dhigayo, inta laga soo saarayo xeer cusub oo waafaqsan Dastuurka. Arrintan waxaa lagu soo gabagabayn karaa mabda’a continuatio legis- sii socoshada dhaqan-galka xeerarkii hore ilaa dib-u-eegistooda ama beddelkooda sharciyeed la dhammaystiro
Qaabka Saddexaad, Dastuurku wuxuu siinayaa lanta fulinta ama madaxa xukuumadda awood ballaaran oo uu ku go’aamiyo tirada wasaaradaha iyo qaybinta waajibaadkooda, iyadoo la raacayo xuduudaha dastuuriga ah iyo sharciyada khuseeya. Laga soo bilaabo 2004 dawladii Abdillahi Yusuf Ahmed ilaa manta oo aan ku jirno Golihii Wasiirada ee lagacaabay waxaa lagu dhisi jiray curfigaan hirgelay 22 sano ka hor ee qaabkaan saddexaad.
Sababtu waxay tahay in Soomaaliya ay qaadatay nidaam baarlamaani ah, kaas oo Ra’iisul Wasaaruhu inta badan soo jeediyo tirada, waajibaadka iyo xubnaha Golaha Wasiirrada, halka Baarlamaankuna leeyahay awoodda ansixinta. Tusaalaha muuqda waa Golaha Wasiirrada ee hadda jira, oo lagu dhisay digreeto Ra’iisul Wasaare.
Si kastaba ha ahaatee, awoodaha dastuuriga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka waxaa ka mid ah inuu kalsooni siiyo Ra’iisul Wasaaraha, sida ku cad Qodobka 92aad, iyo Golaha Wasiirradiisa, oo iyadanah ku cad Qodobka 118aad, faqraddiisa 2aad.
Saddexdan qaab ee aan kor ku soo xusnay waxay muujinayaan in nidaamyada dastuuriga ah ee adduunku ay ku kala duwan yihiin go’aaminta tirada iyo waajibaadka wasaaradaha. Soomaaliya sedexdaan hab Waa ay qaadatay xilliyo kala duwan, dastuurradii dalka soo maray, Axdigii Carta ee 2000 iyo curfiga siyaasadeed ee soo jireenka ah ee hadda Golaha Wasiiradu ku dhisanyihiin.
GEBOGEBADII
Golaha Wasiirradu ma laha awood uu qaraar maamul ugu kordhiyo muddada uu Dastuurku cayimay ama uu dib ugu dhigo hirgelinta waajibaad dastuuri ah. Qodobka 4aad wuxuu adkaynayaa sarraynta Dastuurka, halka Qodobka 191aad (1) uu oggolaanayo sii socoshada xeerarkii hore inta dib-u-eegistooda laga dhammaystirayo, haddii ay waafaqsan yihiin Dastuurka.
Sidaas darteed, xal kasta oo lagu kordhinayo muddada ama wax looga beddelayo waajibaadka Dastuurku dejiyey waa inuu maraa habraaca dastuuriga ah ee khuseeya.
W/Q: Ahmed Kheir Osman