Shan Wasiir oo horay uga mid noqday xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa weli si rasmi ah ugu qoran xilalkoodii hore, sida ka muuqata mareegta (website-ka) rasmiga ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, oo ah hay’adda labaad ee ugu miisaaniyadda iyo kharashka badan dalka, ayaa ku guuldarraystay inuu si rasmi ah u cusbooneysiiyo isla markaana ka saaro magacyada wasiiradan xilalkii laga qaaday.
Waxyaabaha layaabka leh ee ka muuqda liiska xukuumadda Xamse waxaa ka mid ah in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee waqtigiisu dhammaaday, Cabdikaadir Maxamed Nuur, uu weli ku jiro liiska wasiirada, waxaana sidoo kale liiska ka muuqda laba wasiir oo ka soo wada jeeda hal deegaan.
Wasiirada ilaa hadda ka muuqda mareegta dowladda ee xilalkii laga qaaday, balse aan la beddelin magacyadooda, waxaa ka mid ah:
• Wasiir Cilmi Maxamed Nuur – Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska
• Wasiir Maxamed Cilmi Ibraahim – Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha
• Wasiir Da’uud Aways Jaamac – Wasaaradda Warfaafinta
• Wasiir Maxamuud Aadan Geesood – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
• Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) – Wasaaradda Dekadaha
Mareegta rasmiga ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah caddayn rasmi ah, taas oo la micne ah in wasiiradani ay u isticmaali karaan dukumiinti tibaaxaya inay hayaan xilalkooda ayna haystaan mas’uuliyaddoodii.