Ciidanka Badda Hindiya oo 48 saacadood kadib soo badbaadiyay 20 shaqaale oo saarnaa doon kalluumeysi oo burcad-badeed Soomaali ah ay afduubteen

Ciidanka Badda Hindiya ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen dhammaan 20-kii shaqaale ee saarnaa doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, taas oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah, kaddib howlgal socday muddo 48 saacadood ah oo ka dhacay Badda Carabta.

Howlgalka ayaa ka dhacay meel qiyaastii 3,000 oo kiiloomitir u jirta magaalada Mumbai, kaddib markii la afduubtay doonta oo lagu magacaabo Azini 29-kii October.

Ciidanka Badda Hindiya ayaa isku dubbariday dadaallada lagu raadinayay laguna soo furanayay doonta, iyagoo ugu dambeyn ku guuleystay inay xoreeyaan shaqaalihii saarnaa iyo doontii kalluumeysiga. Howlgalka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Ciidanka Cirka Hindiya, sida ay saraakiishu sheegeen.

Doonta Iiraan laga leeyahay ee Azini ayaa la sheegay in burcad-badeeddu qabsadeen 29-kii October, xilli ay ku dhex safreysay magaalooyinka xeebaha ku yaalla ee Bandar Bayla iyo Xaafuub, kuwaas oo ku yaalla gobolk Bari ee maamulka Puntland.