Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa mar kale ku guuleysatay kursiga Golaha Wakiillada Mareykanka ee degmada 5-aad ee gobolka Minnesota, xilli ay wajahaysay baaritaan ay dowladda federaalka Mareykanka ku waddo.
Guusheeda ka dhigan inay markii shanaad oo xiriir ah ku guuleysatay matalaadda degmadaas oo si weyn looga taageero xisbiga Dimuqraadiga.
Ilhaan ayaa doorashada kula tartantay John Nagel oo ka socday xisbiga Jamhuuriga, kaasoo muddo 30 sano ah ka tirsanaa ciidanka booliska gobolka iyo DeVelle Jackson oo ahaa musharrax madax-bannaan, iyadoo guusheeda cusub ay u xaqiijisay inay sii joogto Aqalka Wakiillada Mareykanka.
Ilhaan ayaa degmada 5-aad ee gobolka Minnesota ku matalaysay Golaha Wakiillada Mareykanka tan iyo markii ay ku guuleysatay doorashadii dhexe ee sannadkii 2018-kii. Degmadaas ayaa ka mid ah deegaannada sida weyn looga taageero xisbiga Dimuqraadiga dalka Mareykanka.
Waxay sidoo kale ka mid ahayd labadii haween ee ugu horreeyay ee Muslimiin ah ee loo doorto Golaha Wakiillada Mareykanka.