Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa maanta sheegay in dalkiisu tan iyo shirkii hore ee Ruushka iyo Afrika ee sannadkii 2023 uu ka furay dalalka Afrika siddeed safaaradood oo cusub, taasoo tirada guud ee safaaradaha Ruushka ee qaaradda ka dhigaysa 48.

Putin oo ka hadlayay shirka Ruushka iyo Afrika ee ka socda magaalada Moscow, ayaa xusay in dalalka Afrika ay iyaguna ballaarinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Ruushka.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan xuso tallaabooyinka joogtada ah ee Ruushku qaaday si uu u ballaariyo joogitaankiisa diblomaasiyadeed ee qaaradda. Tan iyo shirkii hore ee 2023, siddeed safaaradood oo cusub oo Ruushku leeyahay ayaa ka shaqa bilaabay dalalka Afrika, waxaana tiradoodu gaartay 48,” ayuu yiri Putin.

Waxa uu sidoo kale taageeray qorshayaasha dalalka Botswana, Seychelles iyo Togo ay ku doonayaan inay safaarado ka furtaan magaalada Moscow.

“Waxaan sidoo kale ognahay in Botswana, Seychelles iyo Togo ay doonayaan inay mustaqbalka dhow safaaradahooda ka furtaan Moscow, waana arrin aan si dabiici ah u taageereyno,” ayuu yiri.

Iskaashiga dhaqaalaha

Marka laga soo tago xiriirka diblomaasiyadeed, Putin ayaa tilmaamay dadaallada Ruushku ku ballaarinayo joogitaankiisa dhaqaale ee Afrika, oo ay ku jiraan kordhinta xarumaha ganacsiga ee uu qaaradda ku leeyahay.

“Waqtigan xaadirka ah, waxaa jira lix xarumood oo ganacsi, balse howlahoodu waxay gaaraan 16 dal oo Afrikaan ah,” ayuu yiri.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in Ruushku kordhiyay sahayda bacriminta beeraha ee uu u dhoofiyo Afrika. Waxa uu xusay in sannadkii hore la gaarsiiyay qaaradda ku dhowaad 1.5 milyan oo tan, halka sannadkan ay tiradu durba dhaaftay 2.2 milyan oo tan.

Dhanka iskaashiga maaliyadeed, Putin ayaa sheegay in saamiga lacagta Ruushka ee Ruble-ka ee loo adeegsado macaamilka ganacsi ee u dhexeeya Ruushka iyo Afrika uu gaaray ilaa 85 boqolkiiba.

“Saamiga Ruble-ka ee macaamilka ganacsi ee Ruushka iyo Afrika wuxuu durba gaaray ilaa 85 boqolkiiba. Tani waxay suurtagelinaysaa in xiriirkeenna dhaqaale laga ilaaliyo saameynta dibadda,” ayuu yiri Putin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu daneynayo inuu qaar ka mid ah xarumaha wax-soo-saarka u raro Afrika, iyadoo ay jiraan cadaadisyo dibadeed. Hase yeeshee, waxa uu carrabka ku adkeeyay in go’aannada arrintan la xiriira ay yihiin kuwo ay dowladaha Afrika iskood u leeyihiin, isla markaana ay tahay inay ilaashadaan madax-bannaanidooda go’aan-qaadasho.

Si kastaba, Mareykanka ayaa isaguna Afrika ku leh 48 safaaradood oo si rasmi ah u shaqeeya, iyadoo guud ahaan uu qaaradda ku leeyahay ku dhowaad 55 xarumood oo diblomaasiyadeed, kuwaas oo ay ku jiraan qunsuliyado, xafiisyo laamo ah iyo ergada Mareykanka ee Midowga Afrika.