Dulmar sharciyeed ku saabsan dastuurada iyo axdiyada dalka: 1960–2026

Hordhac

Madama dacwado Murano dastuuri ah lafilan karo, markastana ey adkaatay dhisida maxkamadda dastuuriga ah waxaan qoramadan ku eegeysnaa garsoorka dastuuriga ahi 1960–2026 , waxey awoodii qaadista dacwadaah Dastuuriga ah ku xireen Maxkamadda Sare, Dulmarkani wuxuu muujinayaa qodobada iyo sidey u kala tilmameen.

1. Dastuurka 1960:
Maxkamadda Sare ayuu siinayaa awooda Maxkamad Dastuuriga ah

Sida ku xusan Qodobka 99(1), Maxkamadda Sare, iyadoo lagu daray afar xubnood, ayeey ka garnaqi kartaa ikhtisaaskii ey laheyd Maxkamad Dastuuri ah, Qodobkani si cad ayuu Maxkamadda Sare, usiiyay awoodihii maxkamadda dastuuriga.

2. Dastuurka 1979
Maxkamadda Sare oo saldhig u ah Maxkamadda Dastuurka.

Qodobka 107(1)–(2) wuxuu Maxkamadda Dastuurka u xilsaarayaa go’aaminta dastuurinimada sharciyada, wuxuuna qeexayaa inay ka kooban tahay Maxkamadda Sare oo ay kaabayaan xubno Golaha Shacbiga ka tirsan; Maxkamadda Sare ayaa sidaas udub dhexaad ugu ah dhismaha Maxkamadda Dastuurka.

3. Axdiga Carta 2000
Ilaalinta iswaafajinta shuruucda.

Qodobka 35aad Maxkamadda Sare u xilsaarayaa ilaalinta iswaafajinta Axdiga, shuruucda dalka iyo Shareecada Islaamka, iyadoo soo saaraysa xukun sababaysan oo la faafiyo; Wuxuu siinayaa hawl garsoor dastuuri ah, hase yeeshee si cad uguma magacaabayo Maxkamad Dastuuri ah, mana siinayo qoraal ahaan dhammaan awoodaha maxkamad noocaas ah.

4. Axdiga Federaalka 2004/2009:
Awood cad oo lagu qaado khilaafaadka Axdiga.

Qodobbada 4(3)(4) iyo 60(2) waxay Maxkamadda Sare siinayaan awoodda dhegeysiga cabashooyinka sharciyada Axdiga ka horimaanaya iyo go’aaminta khilaafaadka Axdiga khuseeya. Awoodda garsoorka dastuuriga ah si toos ah ayaa loogu xilsaaray Maxkamadda Sare, inkastoo aan loogu magac-darin Maxkamad Dastuuri ah.

5. Dastuurka 2012
Maxkamad Dastuuri ah oo gaar ah

Qodobbada 109(2)(b)–(c), 109B iyo 109C waxay awoodaha dastuuriga ah u qoondeeyaan Maxkamad Dastuuri ah oo gaar ah, kuma jiro qodob si cad Maxkamadda Sare ugu wareejinaya xilalkeeda inta laga dhisayo; Sidaas darteed, maqnaanshaha maxkamaddaasi kaligiis ma caddaynayo wareejinta dhammaan awoodaheeda.

6. Nuqulka Dastuurka 2026 .
Sii fulinta awoodaha Maxkamadda Dastuurka.

Qodobka 191(3), oo lala akhriyo Qodobka 131aad, wuxuu si cad u sheegayaa in Maxkamadda Sare ee Federaalka ay sii fulinayso xilalka iyo awoodaha Maxkamadda Dastuurka inta laga dhisayo. Qodobkani waa saldhig cad oo Maxkamadda Sare ugu oggolaanaya inay muddadaas qabato shaqada Maxkamadda Dastuurka.

Diyaariye: Garsoore Ayaanle Sh. Ibrahim