Waaxda Dambi baarista ee dalka Kenya ee DCI, ayaa soo bandhigtay maanta oo isniin ah sawirrada Shukri Maxamed yo Farxiyo Xuseen oo Soomaali ah kuwaas oo waaxdu ay sheegtay in lagu qabtay garoonka diyaaradaha JKIA. Qoraal ay baahisay DCI ayaa sheegtay in Shukri ay 541 garaam oo dahab ah ku qarinaysay timaheeda, halka Farxiyo iyaduna ay 116 garaam oo dahab ah ku qarinaysay marada hoose ee laabta lagu xirto. Labadan dumar ah ayaa lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah dalka Kenya ay uga saari rabeen dahab gaaraya 685 garaam. Shukri & Farxiyo ayaa ku jira hadda gacanta hay'adaha ammaanka dalka Kenya, iyada oo filayo in maxkamad la horgeeyo si loogu qaado eedaha loo haysto. Hase ahaatee, weli DCI ma soo bandhigin xog faahfaahsan oo ku aaddan xogta gabdhaha iyo halka uu ku wajahnaa safarkoodu.
Waaxda dembi baaista Kenya ee DCI ayaa ku hawlan la dagaallanka dambiyada la xiriira dahabka, khiyaanada ganacsi iyo dhaqaalaha sharci-darrada ah. DCI ayaa marar badan waxa ay soo bandhigtay kiisas kuwan oo kale oo la xiriira dhaqdhaqaaqyo maaliyeed oo baalmarsan sharciga. Garoonka JKIA ayaa noqday isha ugu wayn ee la marsiiyo dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee aan sharciyadda haysan, waxaana marar badan ay DCI soo bandhigtay hawlgallo ay ka fulisay gudaha garoonka. si wayn waxaa u kordhay guud ahaan caalamka danbiyada abaabulan ee la xiriira lacag dhaqista iyo ganciyada aan sharciga ahayn. Kenya ayaana kamid ah dalalka furan ee xiriirka ganacsi ee ugu wayn la leh dalalka bariga iyo bartamaha Afirka.