Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa shalay xaqiijisay in qofkii saddexaad laga helay cudurka Ebola, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay isaga oo ku jira karantiil, qofkan 3-aad ayaa kamid ahaa dadka xiriirka la lahaa bukaankii ugu horreeyay ee cudurka u dhintay, laba maalmood kaddib markii uu ka soo galay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Wasaaraddu waxay bayaan ku sheegtay in bukaanka saddexaad ay tahay haweeney 65 jir ah oo qaraabo la ah nin 40 jir ah oo Ebola u geeriyooday 5-tii bishan.

Haweeneyda ayaa karantiil ku jirtay tan iyo 6-dii bisha, waxaana ay yeelatay calaamadaha cudurka ka hor inta aan laga xaqiijin inuu ku dhacay fayraska. Wasaaraddu waxay sheegtay in markii dambe loo wareejiyay qaybta cudurrada faafa.

Bukaanka labaad, oo ah nin 39 jir ah kana tirsan isla qoyska, ayaa weli ku jira xaalad caafimaad, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Kenya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in aanay jirin wax caddayn ah oo muujinaya in cudurku ku faafay bulshada dhexdeeda, maadaama dhammaan kiisaska la xaqiijiyay ay xiriir la leeyihiin bukaankii ugu horreeyay, dadkaasna ay ku jireen karantiil.

Ebola waa cudur halis ah oo si fudud u faafa marka qofku si toos ah ula xiriiro dheecaannada jirka qofka cudurka qaba, sida dhiigga iyo matagga, ama uu taabto agab uu fayrasku ku dul noolaan karo, sida gogosha iyo dharka.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa wajahaysa mid ka mid ah khatarihii ugu dhimashada badnaa ee cudurka, iyadoo tan iyo bishii May ay cudurka u dhinteen ugu yaraan 4,000 oo qof.

Saddex qof oo xiriir la lahaa bukaankii ugu horreeyay ee Kenya laga helay ayaa weli la raadinayaa. Sidoo kale, waxaa adkaatay dadaalada lagu raadinayo dadka bukaanka kula kulmay dalalka deriska ah ee Uganda iyo Congo.

Bukaankii ugu horreeyay ayaa ku noolaa Congo, wuxuuna soo maray saddex gobol oo uu cudurku ka dillaacay.

Kenya ayaa xoojisay baaritaannada caafimaad ee laga sameeyo dhammaan goobaha laga soo galo dalkaasj, gaar ahaan xuduudaha. Garoonka diyaaradaha ugu weyn ee caasimadda Nairobi ayaa loo asteeyay albaab gaar ah oo lagu baaro dhammaan duullimaadyada ka imanaya 10 dal oo loo aqoonsaday inay ku yaallaan meelaha uu cudurka Ebola sida weyn uga dillaacay.