Warbixin baaritaan ah oo uu daabacay wargeyska New York Post ayaa sheegtay in laba hay’adood oo waaweyn oo samafal oo ka dhisan Mareykanka ay heleen lacag dhan $62 milyan oo doollar, taas oo la xiriirta barnaamijyada dib-u-dejinta qaxootiga, oo ay ku jiraan Soomaalida la dejiyay gobolka Minnesota.

Warbixinta oo ku saleysan xog laga soo xigtay xarunta daraasaadka ee Capital Research Center ayaa tilmaantay in hay’adaha Catholic Charities iyo Lutheran Social Services of Minnesota ay muddo dheer ka qayb qaadanayeen dib-u-dejinta qaxootiga, iyagoo dhaqaale ka heli jiray dowladda federaalka Mareykanka.

Sida lagu sheegay warbixinta, labada hay’adood ayaa tan iyo sannadkii 1993-kii dib-u-dejin u sameeyay ku dhowaad 29,000 oo Soomaali ah. Waxay sidoo kale dowladda ka heli jireen celcelis ahaan $2,500 oo doollar qof kasta oo qaxooti ah, si loogu daboolo baahiyaha aasaasiga ah sida hoyga, cuntada iyo adeegyada bulshada muddada 90-ka maalmood ee ugu horreeya.

Afhayeen u hadlay Catholic Charities Twin Cities ayaa wargeyska New York Post u sheegay in hay’addu ay sannadkii 2018-kii xirtay barnaamijyadeedii la xiriiray qaxootiga iyo soo-galootiga. Dhanka kale, Lutheran Social Services of Minnesota kama aysan jawaabin codsi uu wargeysku u diray si ay arrintan uga bixiso faallo.

Parker Thayer, oo ka tirsan Capital Research Center, iyo khubaro kale oo arrimaha socdaalka ka faallooda ayaa dhaliilay nidaamka maalgelinta barnaamijyada qaxootiga, iyagoo ku doodaya in barnaamijyo markii hore loogu talagalay gargaarka bani’aadannimo ay hay’adaha qaarkood u noqdeen ilo dhaqaale oo ay dowladda ka helaan lacago badan.

Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli arrimaha socdaalka iyo dib-u-dejinta qaxootigu ay dood siyaasadeed oo xooggan ka abuureen Mareykanka. Magaalada Minneapolis iyo guud ahaan gobolka Minnesota ayaa weli ah meelaha ay sida weyn ugu nool yihiin Soomaalida Mareykanka, kuwaas oo door muuqda ku leh ganacsiga, waxbarashada, siyaasadda iyo nolosha bulshada.