HORDHAC
Madax-bannaanida garsoorku waa tiir aasaasi u ah sarreynta sharciga, ilaalinta dastuurka iyo dheelitirka awoodaha dowladda.
Garsoorku ma aha oo keliya hay'ad xallisa khilaafaadka bulshada, balse waa gaashaan dastuuri ah oo ilaaliya xuquuqda muwaadiniinta, xaddidaadda ku-takrifalka awoodda, isla markaana xaqiijiya in cid kasta oo ay ku jiraan madaxda ugu sarreysa dowladda, ay sharciga u hoggaansanto.
Taariikhda siyaasadeed ee dunidu waxay xambaarsan tahay tusaalooyin hoggaamiyeyaal isku dayay inay wiiqaan madax-bannaanida garsoorka, iyagoo u adeegsanaya awoodda fulinta danahooda siyaasadeed, faragelinta noocaasi ahna waxa ay halis ku tahay sarreynta sharciga, kala-soocidda awoodaha dowladda (Separation of Powers) iyo jiritaanka nidaamka dastuuriga ah.
Qormadani waxay falanqaynaysaa saldhigyada sharci ee ku xusan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dastuuriga ah ee ilaaliya madax-bannaanida garsoorka, iyadoo si gaar ah u tixraacaysa Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya ee 2012 iyo tusaalooyin taariikheed oo muujinaya cawaaqibta ka dhalata faragelinta garsoorka.
Tixraaca Dastuurka Ku-meelgaarka ahi ma aha mid ku salaysan dano siyaasadeed ama dhex-gal khilaafka u dhexeeya Xukuumadda iyo Hay'adda Garsoorka, balse wuxuu salka ku hayaa xaqiiqda ah in dastuurkaasi yahay aasaaskii sharciyeed ee ay ku yimaadeen hay'adaha dowladda ee maanta jira, isla markaana qaybo ka mid ah jiritaankooda iyo hawlahooda ay weli ku tiirsan yihiin.
Sidaas darteed, ujeeddadu ma aha in la inkirayo dastuurka cusub, balse waa in la muujiyo in awoodda dowladeed aanay ka sarreyn sharciga, madax-bannaanida garsoorkuna tahay mid lama taabtaab ah oo ay tahat in loo ilaaliyo bulshada iyo qaranka oo dhan.
- QAAB-DHISMEEDKA SHARCIGA CAALAMIGA AH EE ILAALINTA MADAX-BANNAANIDA GARSOORKA
Madax-bannaanida garsoorku ma aha rabitaan siyaasadeed ama mudnaan qofeed oo ay leeyihiin garsoorayaashu, balse waa mabda' aasaasi ah oo ku qotoma sarreynta sharciga (Rule of Law), ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo nidaamka dastuuriga ah.
Mabda'ani wuxuu waajib sharciyeed saarayaa dowladaha si ay u dhowraan madax-bannaanida maxkamadaha, kana ilaaliyaan cadaadis, faragelin iyo saameyn kasta oo wax u dhimaysa dhexdhexaadnimada garsoorka.
- Mabaadi'da Aasaasiga ah ee Qaramada Midoobay ee Madax-bannaanida Garsoorka (1985)
Mabaadi'dan oo ay Qaramada Midoobay ansixisay sannadkii 1985 ayaa dejinaya halbeegyada aasaasiga ah ee lagu xaqiijinayo madax-bannaanida garsoorka. Mabda'a 1aad wuxuu dhigayaa in dowladuhu ay dammaanad qaadaan madax-bannaanida garsoorka, ixtiraamaan kala-soocnaanta awoodaha dowladda, isla markaana ay dhowraan madax-bannaanida maxkamadaha.
Sidoo kale, Mabda'a 2aad wuxuu adkaynayaa in garsoorayaashu ay dacwadaha u go'aamiyaan si aan eex lahayn, kuna saleeyaan xaqiiqooyinka iyo sharciga, iyaga oo ka madax-bannaan xaddidaad, cadaadis, faragelin ama hanjabaad toos ah iyo mid dadban.
- Dammaanadaha Caalamiga ah ee Xaqa Maxkamad Caddaalad ah: UDHR iyo ICCPR
Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha (UDHR), Qodobkiisa 10aad, iyo Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda ee (ICCPR), Qodobkiisa 14aad, waxay si wadajir ah u xaqiijinayaan xaqa qof kasta u leeyahay in dacwadiisa si caddaalad ah oo furan ay u dhegeysato maxkamad awood sharci leh, madax-bannaan oo aan eex lahayn (competent, independent and impartial tribunal), waxayna Dammaanadahani muujinayaan in madax-bannaanida garsoorku aanay ku koobnayn ilaalinta hay'adda iyo garsoorayaasha oo keliya, balse ay tahay shardi lagama maarmaan u ah xaqiijinta xuquuqda muwaadiniinta, helitaanka caddaaladda iyo ilaalinta mabda'a sarreynta sharciga.
- SALDHIGGA DASTUURIGA AH EE MADAX-BANNAANIDA GARSOORKA SOOMAALIYA
Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee 2012 wuxuu aasaas u yahay nidaamka dastuuriga ah ee dowladda, wuxuuna si cad u aqoonsanayaa kala-soocidda awoodaha iyo madax-bannaanida garsoorka. Qodobka 3aad faqradiisa 4aad iyo Qodobka 4aad waxay saldhig u yihiin mabaadi'da dastuuriga ah iyo sarreynta Dastuurka, sidoo kale Qodobka 4aad faqradiisa 2aad waxa uu awood buuxda siinayaa maxkamadda dastuuriga ah halka Qodobka 106aad uu si gaar ah u adkaynayo madax-bannaanida garsoorka iyo in garsoorayaashu ku shaqeeyaan sharciga oo keliya, kana madax-bannaan yihiin faragelinta hay'adaha kale ee dowladda iyo Qodobka 107aad wuxuu qeexayaa mabaadi'da iyo habraacyada dastuuriga ah ee la xiriira maamulka iyo habsami-u-socodka garsooridda.
Marka la isu geeyo, qodobbadani waxay muujinayaan in madax-bannaanida garsoorku aanay ahayn awood hay'adeed oo aan xad lahayn, balse ay tahay dammaanad dastuuri ah oo loogu talagalay xaqiijinta caddaaladda, kala-soocidda awoodaha dowladda iyo ilaalinta sarreynta sharciga. Sidaas darteed, awoodda fulintu ma laha awood ay ku farageliso go'aannada garsoorka, mana bannaana in habraacyada magacaabista, xil-ka-qaadista ama maamulka garsoorka loo adeegsado cadaadis siyaasadeed.
- TUSAALOOYINKA TAARIIKHEED EE FARAGELINTA GARSOORKA IYO CAAWAQIBTA KA DHALATA
Marka dib loo eego taariikhda dowladaha casriga ahi waxay soo bandhigtay hoggaamiyeyaal isku dayay inay awoodda garsoorka hoos geeyaan hay'adda fulinta, iyagoo u arkayey in maxkamaduhu caqabad ku yihiin qorshayaashooda siyaasadeed.
Tusaalooyinkani waxay muujinayaan in wiiqidda madax-bannaanida garsoorku ay tahay mid dhaawacday nidaamka dastuuriga ah, isla markaana ay dhalinsay cawaaqib siyaasadeed iyo mid sharciyeed.
- Alberto Fujimori – Peru
Madaxweynihii Peru, Alberto Fujimori, ayaa sannadkii 1992 qaaday tallaabooyin uu ku kala diray Baarlamaanka, kuna wiiqay madax-bannaanida hay'adaha garsoorka. Faragelintaasi waxay qayb ka ahayd burburkii nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalkaasi, waxaana markii dambe lagu xukumay dambiyo culus oo la xiriiray xadgudubyo xuquuqda aadanaha iyo ku-takrifal awoodeed iyadoo dhageysiga dacwadiisa ay qeyb ka ahaayeen qaar ka mid ah isla garsoorkii uu isagu dhistay.
- Pervez Musharraf – Pakistan
Madaxweynihii Pakistan, General Pervez Musharraf, ayaa sannadkii 2007 ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, tallaabooyinkaasna waxaa ka mid ahaa cadaadis lagu saaray garsoorka iyo xil-ka-qaadista garsoorayaal sare oo gaaraya afar
meelood meel garsoorka oo dhan ayuu ka saaray haayadda, waxayna iyagu diideen in ay aqbalaan tallaabooyinkiisa. Isku-dhacyadaas hay'adeed waxay dhaliyeen dhaqdhaqaaq sharci iyo mid bulsho oo xooggan, ugu dambayntiina waxay door ku yeesheen wiiqidda awooddiisii siyaasadeed.
- Sheikh Hasina – Bangladesh
Xilligii hoggaaminta Sheikh Hasina ee Bangladesh, waxaa soo baxay khilaafaad culus oo la xiriiray madax-bannaanida garsoorka, gaar ahaan murankii ka dhashay go'aankii Maxkamadda Sare ee sannadkii 2017 ee ku saabsanaa wax-ka-beddelka dastuurka iyo awoodda xil-ka-qaadista garsoorayaasha. Dhacdadaasi waxay muujisay sida khilaafka u dhexeeya awoodaha dowladda iyo garsoorku u saameyn karo xasilloonida hay'adaha dastuuriga ah. Tusaalooyinkani waxay muujinayaan in faragelinta garsoorku aanay ahayn arrin ku kooban khilaaf u dhexeeya madaxda dowladda iyo garsoorayaasha, balse ay saamayn ku yeelan karto kalsoonida bulshada, sharcinimada hay'adaha iyo jiritaanka nidaamka dastuuriga ah.
- CASHARRADA IYO SOO-JEEDINTA LAGA DHAXLI KARO WAAYO-ARAGNIMADA SOOMAALIYA
Waayo-aragnimada taariikheed ee xiriirka siyaasadda iyo garsoorka Soomaaliya waxay muujinaysaa baahida loo qabo in madax-bannaanida garsoorka laga ilaaliyo faragelinta awoodaha kale ee dowladda, lana xaqiijiyo in awooddiisa dastuuriga ahi aanay ku xirnaan rabitaanka siyaasadeed ee madaxda talada haysa. Marka laga duulayo waayo-aragnimadaas, waxaa lagama maarmaan ah in la tixgeliyo soo-jeedinnadan:
- Xoojinta Guddiga Adeegga Garsoorka: In la dhiso guddi dhab ahaan madax-bannaan oo leh awood sharciyeed oo ku saabsan magacaabista, maamulka iyo xil-ka-qaadista garsoorayaasha.
- Hawlgelinta Maxkamadda Dastuuriga ah: In la dhammaystiro dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, lana siiyo awood buuxda oo ay ku fasirto Dastuurka kuna ilaaliso sarreynta sharciga.
- Ixtiraamka kala-soocidda awoodaha dowladda: In la abuuro dhaqan siyaasadeed iyo mid hay'adeed oo dhammaan madaxda dowladda ku waajibinaya inay dhowraan madax-bannaanida garsoorka, kuna hoggaansamaan go'aannada maxkamadaha, xitaa marka ay ka hor imanayaan danahooda siyaasadeed.
Soo-jeedinnadani waxay saldhig u yihiin hirgelinta dammaanadaha ku xusan Qodobbada 3aad, 4aad, 106aad iyo 107aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, waxayna muhiim u yihiin xaqiijinta madax-bannaanida garsoorka iyo ilaalinta dheelitirka awoodaha dowladda.
- GUNAANAD
Madax-bannaanida garsoorku waa tiir aan laga maarmin marka la joogo jiritaanka nidaam dowladeed oo ku dhisan sarreynta sharciga, kala-soocidda awoodaha iyo dhowrista xuquuqda aadanaha. Falanqaynta saldhigyada sharciyeed iyo waayo-aragnimada taariikheed waxay muujinayaan in faragelinta garsoorku aanay ahayn khilaaf hay'adeed oo ku kooban dhinacyada ay khusayso, balse ay saameyn toos ah ku leedahay kalsoonida bulshada, sharcinimada hay'adaha dowladda iyo xasilloonida nidaamka dastuuriga ah. Ugu dambayn, awoodda dowladda waxaa xaddidaya Dastuurka iyo sharciga, mana jirto hay'ad ama masuul ka sarreeya xeerarka dalka. Sidaas darteed, ilaalinta madax-bannaanida garsoorku ma aha oo keliya waajib saaran garsoorayaasha, balse waa masuuliyad dastuuri ah oo wada saaran dhammaan hay'adaha dowladda. Garsoor madax-bannaanina waa dammaanadda ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo in sharcigu ka sarreeyo awoodda, caddaaladduna aanay noqon mid ku xiran rabitaanka siyaasadeed ee cid kasta oo talada haysa.
VII. REFERENCES (ILAHA IYO LINK-YADOODA)
- Basic Principles on the Independence of the Judiciary (UN, 1985)OHCHR:https://www.ohchr.org/en/professionalinterest/pages/independencejudiciary.aspx
- Universal Declaration of Human Rights (UDHR), Article 10 – United Nations: https://www.un.org/en/about-us/universal-declaration-of-human-rights
- International Covenant on Civil and Political Rights (ICCPR), Article 14 – Centre for Civil and Political Rights: https://ccprcentre.org/ccprpages/iccpr-article-14-factsheets-right-to-equality-before-courts-and-tribunals-and-to-a-fair-trial
- The Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia (2012) – WIPO Lex: https://www.wipo.int/wipolex/en/legislation/details/14305
- Alberto Fujimori (Peru) – WOLA, Executive Summary: https://www.wola.org/sites/default/files/downloadable/Andes/Peru/past/ExecSummFujiFinal.pdf
- Pervez Musharraf (Pakistan) – Al Jazeera, Musharraf's Emergency Rule Declared Illegal: https://www.aljazeera.com/news/2009/7/31/musharrafs-emergency-rule-illegal
- Sheikh Hasina (Bangladesh), 2017 Supreme Court verdict on the 16th Amendment – Dawn, Landmark Bangladesh ruling ends MPs' power to sack
judges: https://www.dawn.com/news/1349252/landmark-bangladesh-ruling-end-of-mps-power-to-sack-judges
Maxamed Mukhtaar Maxamed
Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Gobolka Shabeellada Hoose