Duulimaadkii labaad oo siday 107 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa saaka subaxnimadii ka duulay Garoonka Aadan Cadde, iyadoo Uganda ay si rasmi ah u billowday in ay qeyb ka mid ah ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya.
Taliye Kuxigeenka Ciidanka Uganda Maj Gen Felix Busizoori, ayaa sheegay inay Soomaaliya u soo dirayaan ciidamo cusub oo ka tirsan guutada 48-aad, kuwaas oo dhammaystay tababarkii looga baahnaa, baddalayana guutada 45-aad oo dib loogu celiyay Uganda, iyadoo dhanka kalena Taliyaha Ciidanka Uganda uu qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay inay 20 sano kaddib ciidankooda kala baxayaan Soomaaliya. Ciidamadan cusub ee imaanaya ayaa hoostagi doona hawlgalka AUSSOM.
Sida laga warqabo, Soomaaliya waxaa ku sugan laba nooc oo ciidan ah oo ka socda Uganda, kuwa ku jooga ogolaanshaha Midowga Afrika ee ka tirsan AUSSOM iyo kuwa ku jooga heshiis laba-geesood ah oo u dhexeeyay labada dal. Si kastaba, ilo amni iyo diblomaasiyadeed oo ka kala tirsan labada dal ayaa isku raacay in Uganda ay Soomaaliya kala baxayso oo keliya ciidankeeda ku jooga heshiiska amni ee laba-geesoodka ah.
Ciidanka maanta laga qaaday Muddisho, waxaa ka horeeyay 109 rakaab oo ka tirsan Ciidamada Uganda oo ay qaaday diyaaradda owadatay diiwaan safar oo ah 5Y-SKE F-100, lagana leeyahay dalka Kenya, una kiraysan Uganda taas oo shalay galab ka qaaday garoonka Aadan Cadde, ciidanka ka baxaya Soomaaliya. dalkaas ka jooga Soomaaliya.
Madaxweynaha Uganda, Yuweri Musavani ayaa si cad ugu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu qayb kamid ah ciidankiisa kala baxayo Soomaaliya ugu danbayn 15-ka bisha Noofeembar.
26-kii bishan, Madaxweyne Xasan, ayaa safar hal maalin ah ku tegay Kampala, waxaana uu kala soo noqday diidmo iyo inaysan Uganda kala laabanayn go'aan la gaaray.
Meelaha la filaayo in ay ka baxaan ciidamadan, oo isugu jiro kuwa heshiis labada dowladood ah ku jooga iyo kuwa hawgalka AUSSOM ka tirsan, waxaa kamid gobolka Shabeelada Hoose, waxaana la filayaa in la daad gureeyo ilaa 4ta Nofeembar ee sanadkan.
Uganda ayaa Ciidamado nabad ilaalin usoo daabushay Soomaaliya sanadkii 2007, waxayna qeyb wayn ka qaadatay in Dowladda Soomaaliya ay dib ula wareegto magaalooyinka waawayn ee Koonfurta Soomaaliya.