Garsoorayaal katirsan Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo kaashanaya Guddoomiyaha Maxkamadda, Baashe Yuusuf ayaa ka shaqanaya kala dirista Ururka Qareennada. Garsoorayaasha s ayaa dejiyay habraac meesha looga saarayo qareennada hadda shaqada kujira looguna baddalayo kuwa cusub oo la qaadanayo.
Garsoore Saalax Shiikh Ibraahim Dhiblaawe oo mas’uul ka ah kala dirista qareennada sida ku cad warqadda sumadeedu tahay MSF/XGS/ST/2026 oo kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa dejinaya Manhaj cusub oo lagu tababaro qareenadda si loo qaadaya imtixaan shaqo oo cusub, ayna u fududaato in meesha looga saaro qareennada diiwangashan. Sida ay inoo sheegeen qayb kamid ah qareennada oo la hadlay Somali Stream, waxaa jira walaac qabaan garsoorayaasha maxkamadda sare taas oo keentay in qaataan go’aanka kala dirista Ururka Qareennnada. Inkasta oo Maxkamadda sare kala diri karin si toos ah ururka Qareennadda, haddana waxay qaaday tallaabo ay ku doonayso in meesha uga saarayso.
Nidaamka dejinta manhajka iyo imitixaamidda qareennada ee ka danbaysa ayaa lagu sheegay inay tahay dib u qaabanaynta iyo kor u qaadidda mihnadda qareennada taas oo timid kaddib markii qareennada diiwaangashan ay muujiyeen madaxbannaani iyo keenisa dooddo ay kusoo bandhigeen maxkamadaha hortooda oo ka turjumaya shaqadooda.
Dhankooda Ururka Qareennada oo cuskanaya qodobo dhawr ah oo dastuurka iyo xeerarka dalka kamid ah ayaa diiday warqadda kasoo baxday Guddoomiya Baashe waxayna ku adkaysteen inaysan ogoleen. awooddooda loo wareejiyo cidkale. Waxaana waraaqda kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Qareennada Soomaaliya meesha looga saaray go’aanka Maxkamadda Sare ku magacowday guddida dejint Imtixaanka kala saarista Qareennada.
Maxkamadaha iyo garsooyaasha dalka ayaa lagu dhaliilaa mas’uuliyad daro shaqo taas oo sababtay inuu hanaqaadi waayo nidaamka caddaaladda ee dalka. Sababaha keenay gaabiska garsoorka dalka ayaa lagu sheegaa inay katimid hufnaan la’aan iyo inay dagaal ku qaadaan cid kasta oo muujisa karti iyo daacadnimo shaqo.