Waxaan hore u soo bandhignay shaxda uu sharciga dhigayo ee loo raacayo doorashad, waxaana ku muujinnay in Maxkamadda Sare ay qaadday tallaabo muhiim ah markii ay laashay natiijadii doorashadii Galmudug ee 30-kii Luulyo 2026, kaddib markii ay go’aamisay in habkii doorashada loo maamulay uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Xeerka Doorashada. Maxkamaddu waxay amartay in doorasho cusub la qabto, Guddiga Doorashaduna wuxuu sheegay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda. Laakiin maanta waxaa ina horyaalla su’aal kale oo sharci ah. Guddiga Doorashadu wuxuu soo saaray jadwal cusub oo dhigaya in doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug la qabto 30-ka September 2026. Bal aan fiirinno in jadwalka cusub ee uu guddigu shaaciyey uu waafaqsan yahay Xeerka Doorashada iyo shuruudihii Maxkamaddu ku salaysay go’aankeedii?
Sharciga doorashada ee Maxkamadda sare sheegtay in la baalmaray oo ay sabab ugu dhigtay laalista doorashadii Galmudug, waxaa uu dhigayaa
- shaacinta taariikhda doorashada
- Soo gudbinta iyo xaqiijinta liisaska musharraxiinta
- Bilowga ololaha
- Dhammaadka ololaha
- Iyo dhammaan marxaladaha kale ee doorashada,
Haddaba, markaad fiiriso waqtiyadaas ma noqon karaan wax la iska dhaafo ama la beddelo iyadoo aan loo haysan awood sharci.
Haddii 30-ka September ay tahay taariikhda doorashada, waxaa waajib ah in la sharxo sida jadwalkan cusub loogu waafajinayo dhammaan muddooyinka uu sharcigu farayo. Arintaan ma aha dood siyaasadeed oo keliya. Waa su’aal ku saabsan sarreynta sharciga.
Haddii ay caddaato in jadwalka Guddigu soo saaray uu ka hor imanayo Xeerka Doorashada ama uu ka hor imanayo waxa Maxkamaddu amartay, waxaa jira waddo sharci ah oo arrinta loo wajaho.
Marka hore, Guddiga Doorashada laftiisa waxaa laga doonayaa inuu dib u eego jadwalkiisa oo uu hubiyo inuu si buuxda ugu waafaqsan yahay Xeerka Doorashada iyo go’aanka Maxkamadda.
Haddii Guddigu uusan sixin, ururrada siyaasadeed, musharraxiinta ama cid kasta oo sharcigu siinayo xaq ay ku cabato waxay arrinta u gudbin karaan hay’adda garsoorka ee awoodda u leh khilaafaadka doorashada, sababtoo ah Guddiga laftiisu wuxuu sheegay in khilaafaadka doorashada lagu xallinayo habka garsoorka, wuxuuna tixraacay awoodda Maxkamadda Sare ee arrimaha doorashada.
Intaasi marka ay jirto, waxaa su'aal muhum ah in la iswaydiiyo Maxkamaddu ma iskeed ayay u soo geli kartaa iyadoo aan dacwad loo keenin?
Jawaabtuu waa, Maxkamaddu waxay leedahay awood ay ku go’aamiso khilaafaadka doorashada marka arrin sharci ah si waafaqsan habraaca loo hor keeno. Dacwaddii hore ee Galmudug lafteeda waxay ka dhalatay cabasho ay keeneen dhinacyadii doorashada, taas ayaana keentay in Maxkamaddu baarto oo ay go’aan ka gaarto.
Sidaas darteed, ma habboona in la yiraahdo Maxkamaddu waa inay si iskeed ah u joojiso jadwalka cusub iyadoo aan loo soo gudbin khilaaf sharci oo cusub, haddii sharciga habraaca dacwaddu sidaas qabo, tan macnaheedu ma aha in cid kasta ay iska aamusto.
Haddii qof ama hay’ad sharci ahaan xaq u leh ay aragto in jadwalku khilaafsan yahay sharciga, waxaa waajib ku ah inay isticmaasho waddada sharci ee loo maro cabashada iyo dib u eegista go’aanka Guddiga.
Marka aan saas wax u fahanno suaasha ugu danbaaysa ee aan is waaydiin karno waa, Haddii Guddigu mar kale soo saaro jadwal aan waafaqsanayn sharciga, yaa qaadaya tallaabada? Guddigu waa inuu iskiis u saxaa haddii uu ogaado khalad. Haddii uusan saxin, cidda ay arrintu khusayso ee sharcigu u oggol yahay inay dacwooto waa inay Maxkamadda u gudbisaa.
Maxkamadduna marka arrinta si sharci ah loo hor keeno waxay awood u leedahay inay go’aamiso in tallaabada Guddigu qaaday ay waafaqsan tahay sharciga iyo in kale.
Xalkeennu ma aha in Maxkamaddu aamusto, mana aha in Guddigu iskiis u go’aansado waxa sharciga ah. Xalku waa in hay’ad kasta ay ku ekaato awoodda sharcigu siiyay, cid kasta oo xuquuqdeeda doorasho la taabatayna ay isticmaasho waddada sharci ee loo sameeyay.
Maxkamaddu waxay burisay doorashadii hore. Guddiguna wuxuu sheegay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda. Haddaba imtixaan dhabta ahi maanta waa in jawaab sax ah oo sharci ah loo helaa iswaydiintan hoose.
Ma lagu qabanayaa doorashada cusub sharcigii Maxkamaddu ku amartay?
Haddii jawaabtu tahay haa, Guddigu ha caddeeyo sida jadwalkiisu u waafaqsan yahay qodob kasta oo sharciga ah. Doorasho la iclaamiyey bisha saddaxdeeda haddanna laqabanayo isla bishii 30keeda.
Haddii jawaabtu tahay maya, khaladkii hore yaan lagu sixin khalad kale. Doorasho sharci ah ma aha oo keliya maalinta sanduuqa codbixinta. Doorasho sharci ah waa geeddi-socodka oo dhan laga bilaabo jadwalka, musharraxiinta, ololaha, codbixinta ilaa natiijada.
Sharcigu ha sarreeyo, hay’ad kastana ha ku ekaato awoodda uu sharcigu siiyay