Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee waqtigiisu dhammaaday Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa gaaray Nayroobi, halkaas uu kaga qaybgalayo shir ay yeelanayaan guddoonka goloyaasha baarlamaannadda Ururka Bulshada Bariga Afrika. Waxaana uu galabta ku soo noqonayaa Muqdisho.
Safarka Jaamac ayaa wax siyaasad ah aan ku lug lahayn, waxaana uu ahaa mid shaqo oo ku kooban Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Sida aan hore u sheegnay Guddoomiye Jaamac ayaa haysta casuumaadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileeta M Dileeta. Waxaana uu sugayaa codsi uu dirsaday Baarlamaanka Itoobiya oo uu hadda hoggaamiyo Axmed Shide.
Ka hor safarkiisa maanta, waxaa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu fasax geliyay Golaha muddo dhan 15 maalmood si uu helo waqti uu ku booqdo caasimadaha Gobolka.
Jaamac waxaa uu booqanayaa Nayroobi isaga oo si furan ugu goodiyay Kenya, waxaan uu dedaal gelinayaa in la jaro xiriirka labada dal. Sidoo kale waxaa uu Kenya ku eedeeyay inay tageerto Cabdicasiis Laftagareen iyo maamulkiisa oo ay Nayroobi u tahay xarun ay ku shaqeeyaan.