Afhayeenka guud ee Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), Caddaani Hirmooge, ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixiyay dhallinyaro kasoo jeedda dawlad deegaanka Soomaaliya ee Itoobiya maamusho kuwaas oo maamulka Puntland uu bartamihii bishii Juun ee sannadkan u gacangeliyay Itoobiya.
Sida ay xilligaas u sheegeen warbaahinta, saraakiil ka tirsan maamulka DDS, dhallinyarada lagu wareejiyay ayay ku eedeeyeen inay ahaayeen xubno ay ONLF u diraysay inay tababar kusoo qaataan dalka Eritrea. ONLF oo 14-kii Juun, oo warsaxaafadeed kasoo saartay arrinka dhallinyarada, ayaa iska fogaysay, waxayna ku tilmaantay inay ahaayeen xoogsato ka xammaalanaysay deegaannadda uu gacanta ku hayo maamulka Puntland.
Hirmooge, oo lagu waydiiyay barnaamijka Geedfadhiee warbaahinta Somali Stream, [Halkan ka daawo barnaamijka oo dhammaystiran], waxa ay ka ogyihiin dhallinyaradaas iyo inay dib u abaabulayaan ciidan jabhadeed ay dib ugu soo tababaraan dalka Eritrea ayaa aad u diiday eedaha iyo sheegashooyinka lala xiriiriyay dhalinyaradaas ee ahaa inay ku lug lahaayeen abaabul jabhadnimo.
Sidoo kale, isagoo ka hadlayay mawqifka ONLF ee ku aaddan halganka hubeysan, ayuu Caddaani Hirmooge caddeeyay in jabhaddu aysan ciidan waayi doonin, balse haddii ay maalin uun go'aansato inay dib ugu laabato dagaalka hubeysan ay si buuxda diyaar ugu tahay inay dagaallanto. Isagoo meesha ka saaray inay wax ciidan ah u direen Eritrea.
Dhanka kale Caddaani Hirmooge, waxaa uu eedayn culus u soo jeediyay maamulka Puntland, wuxuuna ku eedeeyay inay dowladda Itoobiya u dhiibeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka shaqaysanayay deegaannada maamulkaas. Waraysiga uu siiyay barnaamijka GEEDFADHI ayuu Caddaani Hirmooge si adag ugu naqdiyay go'aanka Puntland, isagoo sheegay in hoggaanka maamulkaasi uu ku soo biiray wax uu ku tilmaamay "darajada daba-dhilifnimada," isla markaana uu qaadayo ceebta ka dhalatay gacan-gelinta dhallinyaradaas.
Afhayeenka ayaa isweydiiyay sababta keentay in dhallinyaradaas si gaar ah loogu gacangeliyo Itoobiya, wuxuuna xusay haddii ay Puntland rabtay inay dadkaas deegaankeeda ka saarto, ay ahayd inay u wareejiso dhinaca maamulka Jubbaland oo ay isku heyb iyo deegaan yihiin marka loo eego hab-qeybsiga bulshada Soomaaliyeed.