Inkasta oo uu si rasmi ah shaqadiisa u joojin doono Howlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) haddana Qaramada Midoobay waxay xaqiijisay in aysan joojin doonin taageerada ay siiso dalka.
Xoghayaha Guud ee QM, waxa uubsheegay in ay Soomaaliya ka taageeri doonaan dhinacyada nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarka waara. Taageeradan ayaa la sii marin doonaa hay'adaha iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay ee ka howlgalaya dlaka, iyadoo lala kaashanayo dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika, iyo dalalka caalamka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya gaartay iyo adkaysiga ay shacabka Soomaaliyeed muujiyeen inkasta oo ay weli jiraan caqabado badan