W/Q: Cabdiqaadir Cabdi Diiriye
Buugaagta qoraagu kaga sheekaynayo taariikhdiisa waxaa adag in la qiimeeyo. Sababtoo ah waxaa ku horyaal buuggii iyo hab qoraalkiisii, qofkii iyo dabeecadihiisii iyo dhacdooyinkii iyo sida qoraagu u qiimeeyey. Taas waxaa soo raaca in qofka qiimaynaya fahamkiisu akhrisan karo wax ka duwan wixii qoraagu ula jeeday oo iyaduna toosin karta ama qalloocin karta qiimaynta. Waxaa marka lama huraan ah in saddexdaas iyo arrimaha kale ee buugaagta noocaas ahi kooobi karaan loo sameeyo waddo lagu kala saaro ama lagu kala qiimeeyo.
Buugga ciwaankiisu yahay Wadaad iyo Waranle waxaa markiiba laga fahmi karaa in qoraagu noloshiisa ku tilmaamayo inuu labadaas magacba yeeshay oo xilliyo kala dambeeyey ama kala duwan uu marna wadaad ahaa marna waranle. Waxaa kaloo dhici karta in qoraagu rumaysan yahay inuu uba dhashay sidaas oo aanu kala saarin labadaas oo uu hadda iyo intuu caqliyaystayba uu ahaa wadaad waranle ah. Qeexidda labadaas magac ilama sahlana in la kala saari karo. Waxaa jira qof salaadda Jimcaha iyo Ciidaha keliya tukada oo asxaabtiisa aan tukan ay wadaad u yaqaannaan. Waxaa kaloo jira qof shanta salaadood masjidka ku tukada oo asxaabtiisa aan sidiisa ahayn ay wadaad u yaqaannaan. Ereyga waranle, micnaha uu buuggan ugu jiro, isagu ma aha erey keligiis la adeegsado ee waa erey la adeegsado keliya marka wadaad iyo dadka kale la kala duwayo.
Buugga waxaa qoraagu kaga sheekaynaa noloshiisa iyo weliba dadkii isaga ku hareeraysnaa ama noloshiisa saamaynta ku yeeshay, dhacdooyinkii uu la noolaa ama uu qaybta ka ahaa, fahamkiisa iyo micnaha ay isaga u sameeyeeyn isbedelladii dhaqan-diimeed, siyaasadeed, nabad-iyo-colaadeed ee uu u soo joogay. Waxaa qoraagu si gaar ah u muujinayaa sida waalidkiis, weliba hooyadiis, qayb weyn uga ahaayeen korriimadiisa iyo samaysankiisa feker, dhismaha qoyskiisa iyo noloshiisa shaqo.
Waxaa qoraagu ka sheekeeyey reerkiisa Reer Aw Xasan Kaweyne, wuxuuna sheegay in awoowahood Aw Xasan oo wiil yar ah uu dhulka Carabta kala yimi adeerkiis Shiikh Yuusuf Al Kawnayn oo isagu degaan ka dhigtay meel u dhaw Hargeysa halka wiilkii Aw Xasan ahaa uu u soo gudbay dhulka Xuduudka Hiiraan. Haddii sidaas ay u wada socdeen labada shiikh, ma laga yaabaa in labada erey ee Kaweyne iyo Kawneyn ay markii hore ahaayeen isku hal magac oo ay kala yimaadeen dhulkii Carabta oo markaas Soomaalidu si kala duwan ugu dhawaqeen?
Nolol adag oo aan waalidku wada joogin iyo dadaal waxbarasho oo uu yaraan Quraanka ku wada qabtay, ganacsi uu hooyadiis ka caawin jiray isagoo 10 jir ah oo uu weliba safar dheer keligiis sidaas u geli jiray ayaa muuqata inay qoraaga siiyeen awood ah inuu yaraan awood u yeesho inuu qaado masuuliyadda reerkooda. Waxaa kaloo ii muuqata in taasi tahay sababta dhaxalsiisay in ardaynimadiisii, intuu xerta ahaa iyo markuu jaamacadda Yaman ka galayba uu markiiba u soo baxayey inuu hoggaan qabto. Masuuliyadda yaraanta lagu qaado, xataa haddii marka hore lala kacaa-kufo, waxay marka dambe keentaa in qofku go’aamo muhiim ah qaadan karo isagoo weli dhallinyaro ah.
Fikradihii diimeed ee 80aadkii Muqdisho ku wada noolaa oo mararka qaar sida mawjadaha badda isu hardinayey ayaa qoraagu sheegayaa inuu dhex mushaaxay. Afkaartaas kala duwan waxaa xoojin jiray farriimo dibedda ka yimaada oo wargeyso, kutub iyo cajalado maqal ama muuqaal ah ku yimaada oo markaas dhallinyaradu wadaagaan iskuna dayaan inay is qanciyaan. Inkastoo qoraagu sheegayo inuu markii dambe qaatay mid ka mid ah fikradahaas, kuna biiray urur xambaarsan fikraddaas, haddana waxaa ka muuqda in dhammaan fikradihii waqtigaas jiray ay saamayn ku yeesheen samaysankiisa qofeed oo meelo badan oo buugga ka mid ah ayuu taas ku muujinayaa.
Qoraagu urur diimeedka uu galay waxaa ka muuqata inaanu sidii kiniini u laqin ee uu marna wax ku raacayey marna ku diidayey oo go’aamadiisa aanu si buuxda u siin urukaas iyo dadkii madaxda ka ahaa. Waxaa dhici karta in saamayntaas kala duwan ee aan kor ku sheegnay iyo in asal ahaanba diintu aanay amrin in qof ama urur gaar ah indha-la’aan lagu raaco ay sabab u ahayd arrinkaas. Waa haddii akhriskayga qoraagu saxan yahay.
Waqti uu weli dhallinyaro ahaa ayaa qoraagu bilaabay inuu shaqo ka dhigto qoraalka iyo warbaahinta. Markii hore si furan ayuu qoraalladiisa u baahin jiray waagii dambena shaqo rasmi ah ayuu ka dhigtay oo warbaahin caalami ah ayuu Soomaaliya wakiil uga ahaa. Isagoo markii hore ku ababay xambaaridda fikrad-diimeed si maamulan u shaqaysa ujeeddooyinkeedana ay ka mid ahayd in dadka fikraddaas wada ay waddanka xukumaan, ayaa qoraagu u gudbay inuu hor fariisto dad isaga ka aragti duwan laakiin iyaguna ujeeddo ka dhigtay inay Soomaaliya xukumaan. Qaarkood markaas ayayba waddanka xukumayeen ee meelaha ugu sarreeya siyaasadda ka joogeen. Waxaa malaha taas ka dhashay in qoraagu xukunka Soomaalida, siduu u shaqeeyo, wadiiqooyinka loo maro iyo micnaha uu leeyahay uu sawir buuxda ka qaato.
Qayb ballaaran oo buugga ka mid ah ayaa qoraagu kaga sheekaynayaa siyaasadda Soomaalida iyo siyaasiyiinta. Adduunka waxaa ku badan in dad badan oo ka shaqeeya warbaahinta iyo qaanuunku ay ugu dambayn siyaasadda galaan. Waxaa laga yaabaa in labadaas kooxoodba marka hore aad uga sheekeeyaan waxa siyaasiyiintu ku saxan yihiin ama ku qaldan yihiin. Marka dambena ay is yiraahdaan idinku wixii idinla saxnaa maad toosisaan. Iyagana dhallinyaro cusub oo warbaahinta iyo qaanuunka ka yimi ayaa qaladaad ka arka go’aamadooda oo markaa iyaguna inay wax saxaan iyaasadda u soo gala. Waa meerto dad isu eg siyaasadda isu daba-marayaan.
Qoraagu wuxuu sheegayaa in ururkii uu ku biiray aanu oggolayn in dumarku ay xubnihiisa qayb ka noqdaan laakiin ay qaban jireen hawlo waaweyn oo u adeegaya ujeeddada ururka. Halakaas waxaa qoraagu ku sheegayaa in gabdhuhu ku dulmanaayeen. Laakiin waxaa dhinaca kale la dhihi karaa haddii waxa la qabanayey uu ahaa wax sida caadiga ah Ilaahay ajar looga doonto, ajarkaasu kuma xirnayn in xubin laga ahaado urur laakiin haddii in xil la qabto iyo xubinnimo la helo ahaayeen ujeeddada ugu sarraysa ee loo galayey ururkaas markaa qoraagu waa saxan yahay. Waxaa taas la mid ah dadka iyagoon xilal doonayn ka shaqeeya ujeeddada nadiifka ah ee siyaasadda oo ah adeegga bulshada iyo nabadaynta. Mararka qaarna xoojiya urur ama koox siyaasadeed oo ay isleeyihiin wanaag ayay samayn karaan iyagoon ka doonayn xil ama hanti. Dadkaasu, haba yaraadaane, waxaa loo arki karaa inay dulman yihiin oo aanay waxa dad badani siyaasadda u galaan aany helin laakiin ay xoog iyo xoolo ku bixiyaan xoojinta koox siyaasadeed.
Dhawr meelood ayaa qoraagu ku muujinayaa inuu naftiisa qaladkeeda qiranayo oo weliba sixitaankeeda ku dhaqaaqayey. Tusaalaha kowaad waxaa ah waraysi uu ka qaaday Shiikh Xasan Daahir oo jooga magaalada Asmara isagoon fasax ka qaadan dawladdii shiikhu martida u ahaa. Taasina ay keentay in khilaaf gacan-ka-hadal ku dhawaaday uu dhex maray qoraaga iyo raggii la shaqaynayey iyo shiikha oo isku dhinac ah, iyo shaqaalihii dawladda oo dhinac ah. Kan labaad waa waraysi uu qoraagu ka qaaday Shiikh Shariif oo waqti yar ahaa Madaxweyne joogana Madaxtooyadii oo qoraagu weydiiyey su’aalo ay muuqato inay salka ku hayeen xiriirkii hore ee ka dhexeeyey Shiikh Shariif iyo qoraaga oo ahaa mid ay aragti-wadaag ahaayeen soona wada halgameen laakiin hadda midkoodna yahay Madaxweyne doonaya in loo waraysto sidii mmadaxweyne, kan kalena weriye Caalami ah warbixin u diyaarinaya hay’ad leh xeerar saxaafadeed lagana yaabo inay qaddarin gaar ah siiso hab-maamuuska madaxdu mudan yihiin. Su’aalahaas oo Shiikh Shariif u dulqaadan waayey ayaa keenay inuu ka kaco waraysiga amarna ku bixiyo in qoraaga tallaabo laga qaado. Labadaas jeerba qoraagu wuxuu qiranayaa in ay wax ku habboonaayeen sida uu yeelay si ka duwan oo weliba uu raalli-gelin ka bixiyey. Waxaan is leeyahay waa ammaan in sidaas qofku uga sheekeeyo wixii noloshiisa ka saxmay iyo qixii uu arkayey qalad uu sameeyey.
Buuggu kama sheekaynayo keliya maalmo dahabi ah. Waxaa ku jirta sheeko qoraaga dabin yaab leh loogu riday laakiin uu nasiib iyo fiiro-dheerida nin saaxiibkiis ah ku badbaaday. Isagoo jooga Nairobi ayaa qolo kala soo hadashay Xamar, waxaa loo sheegay arrin isaga iyo hay’addii warbaahineed ee uu u shaqaynay xiise weyn u lahayd. Ragga soo wacay waxay u sheegeen inay fursad u siinayaan inuu warbixin ka diyaariyo dhacdo markaas taagnayd oo adduunka xiise weyn ka lahayd, qoraaga iyo hay’addiisuna sumcad iyo magac ku heli lahaayeen. Ha yeeshee ujeeddadoodu waxay ahayd inay isaga iyo kooxda la socotaba qafaashaan oo markaas hay’addii uu u shaqaynayey lacag baad ah ka qaataan.
Ilaahay amarkiis markuu ka soo degey Garoonka Lambar Konton ilaa la geeyey degmo ku taal Gobollada Dhexe waxay nimankii fursad ka waayeen rag asxaabtiisa ahaa oo uu ugu muhiimsanaa nin aad u fiiro-dheer oo xataa qoraagu isku dayey inuu iska reebo laakiin ninkaasu si walba uga diiday uguna adkaystay inaanu ka harayn. Ugu dambayn markii arrinkii caddaaday oo weliba raggiii qirteen inay doonayeen inay qafaashaan ayaa qoraaga miyirkii u soo noqday.
Guud ahaan buugga waxaa laga helayaa nolol ka baxsan tan qoraagu noolaa. Dhallinayrada aan u soo joogin maalmahaas waxay kala bixi karaan sida aduunku ahaa ama dhacdooyinku isu samaynayeen 80aadkii ilaa bilawgii qarnigaan. Waxa buuggu dhiirrigelinayaa in dadka wax qori karaa ay ummadda u soo tebiyaan dhacdooyinkii ay soo noolaayeen iyo micnaha ay iyaga u samaysay. Waana arrin uu ku ammanan yayah qoraagu inuu isagu xilkaas gutay. Waxaa jira dabcan dad uu qoraagu buuggan magacooda kaga sheekaynayo oo laga yaabo inaanay sida qoraagu wax u sheegayo ku raacsanayn, oo ay u furan tahay inay dhinacooda naga saxaan oo na tusaan sida arrimaha qoraagu sheegay u dhaceen.