Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa shaaca ka qaaday in wasiirrada xukuumaddiisa iyo mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan lagu waajibiyay inay qaataan tababar jireed iyo mid ciidan.

Sawirro uu Abiy Axmed soo bandhigay ayaa muujinaya isaga oo si toos ah u hoggaaminaya mas’uuliyiinta sare, kuwaas oo sameynaya jimicsiyo kala duwan, sida kala bixinta jirka, fadhi-ku-kaca, orodka iyo riixitaanka jirka.

Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay tababarka waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa sheegay in tababarkan looga gol-leeyahay in mas’uuliyiinta dowladda lagu baro casharro la xiriira hoggaaminta iyo anshaxa, kuwaas oo laga soo qaatay ciidamada qalabka sida. Lama shaacin xilliga uu tababarku billowday iyo muddada uu socon doono.

Tababarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada ammaanka Itoobiya ay howlgallo milatari ka wadaan dhowr jiho, iyadoo ay colaado ka jiraan gobollada Amxaarada iyo Oromada, isla markaana ay jiraan xiisado gobolka ka jira, gaar ahaan xiriirka Itoobiya iyo dalka deriska la ah ee Eritrea.