W/Q: Cabdiwali Jaamac Barre
Soomaaliya waxay u baahan tahay dowlad ay muwaadiniintu ku kalsoon yihiin, xogteeda heli karaan, go’aannadeeda fahmi karaan, hantideedana si sharci ah ula xisaabtami karaan.
Dowladnimada dhabta ahi kuma koobna jiritaanka hay’ado, qabashada doorashooyin ama magacaabista masuuliyiin. Waxay ku dhisan tahay hufnaan, isla-xisaabtan, ku-dhaqanka sharciga iyo awoodda dowladda ay ugu adeegto bulshada si caddaalad ah.
Tan iyo markii Soomaaliya ay xornimada qaadatay sannadkii 1960, dalka wuxuu soo maray marxalado siyaasadeed oo kala duwan; dowlad rayid ah, dowlad milatari, burbur dowladeed, dib-u-heshiisiin iyo dib-udhis hay’adeed, ilaa nidaamka federaalka ee maanta jira.
Taariikhdaas waxay ina baraysaa in dowlad waarta aan lagu dhisin oo keliya cidda talada haysa, balse lagu dhiso tayada hay’adaha, kalsoonida bulshada iyo sida awoodda dadweynaha loo maamulo.
Inkasta oo Soomaaliya ay horumar ka samaysay dib-udhiska hay’adaha dowladda, haddana waxaa weli jira caqabado la xiriira isla-xisaabtanka, maamulka maaliyadda, musuqmaasuqa, shaqaaleysiinta ku salaysan kartida, qeexidda awoodaha federaalka iyo ka-qaybgalka muwaadiniinta.
Halkaas ayay ka bilaabmaysaa aragtida dowlad ku dhisan hufnaan iyo daahfurnaan. Ujeeddada in la helo dowladnimadaas aanu tilmaamnaz waa in la dhiso nidaam dowladeed oo sharcigu xaddido awoodda masuuliyiinta, xogtu hagto go’aannada dowladda, hantida dadweynaha loo ilaaliyo si masuuliyad leh, shaqaalaha lagu xusho karti iyo aqoon, muwaadiniintu yeeshaan awood ay kula xisaabtamaan masuuliyiinta iyo hay’adaha dowladdu si cad u gutaan waajibaadkooda.
HUFNAAN ma aha hal-kudheg siyaasadeed oo keliya, mana aha olole ku kooban cambaaraynta musuqmaasuqa. Waa aragti ku wajahan dib-u-habayn nidaamsan oo isku xiraysa sharciga, maamulka maaliyadda, shaqaalaha dowladda, xiriirka federaalka, tiknoolajiyada iyo ka-qaybgalka muwaadiniinta.
Toddobada tiir ee dowlad hufan
- Helitaankaxogta dadweynaha
Muwaadiniintu waa inay awoodaan inay ogaadaan sida loo diyaariyo miisaaniyadda, cidda hesha qandaraasyada dowladda, waxa ay hay’aduhu qabtaan iyo sida loo isticmaalo hantida dadweynaha.
Waxaa loo baahan yahay sharciyo cad iyo hannaan xaqiijiya helitaanka xogta. Xogta amniga ee xasaasiga ah iyo xogta gaarka ah waa in la ilaaliyaa, iyadoo aan ilaalintaas marmarsiiyo looga dhigan qarin khaladaadka maamulka.
- Miisaaniyadfuran iyo maamul maaliyadeed oo lala xisaabtami karo
Dowladdu waa inay si cad u muujisaa dakhliga la filayo, lacagta dhab ahaan soo xarootay, kharashaadka la bixiyey iyo natiijooyinka la gaaray. Haddii miisaaniyad loo qoondeeyo dugsi, isbitaal ama waddo, dadweynuhu waa inay ogaadaan lacagta ku baxday, cidda fulisay mashruuca iyo adeegga uu bulshada u soo kordhiyey.
- Qandaraasyofuran iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa
Qandaraasyada dowladda waa in lagu bixiyo tartan furan oo ku salaysan karti, tayo, qiime iyo danta guud. Waxaa loo baahan yahay diiwaanno qandaraas oo la baari karo, habraacyo cad oo lagu qiimeeyo tartamayaasha iyo hay’ado awood u leh inay baaraan eedeymaha musuqmaasuqa.
Ladagaallanka musuqmaasuqu waa inuu khuseeyaa dhammaan masuuliyiinta, iyadoon loo eegin xilka ay hayaan ama xiriirkooda siyaasadeed.
- Shaqaaleysiinku salaysan karti
Dib-uhabaynta shaqaalaha dowladda waa in lagu saleeyaa aqoon, karti iyo waxqabad. Qaraabo-kiilka iyo shaqaaleysiinta ku dhisan eexdu waxay dhaawacaan tayada adeegga, niyadda shaqaalaha xirfadda leh iyo kalsoonida bulshada.
Shaqooyinka dowladda waa in lagu helo tartan furan, iyadoo la dejinayo shuruudo la hubin karo iyo hannaan cabasho oo sharci ah.
- Caddeyntamasuuliyadaha federaalka
Waxaa lagama maarmaan ah in si cad loo qeexo masuuliyadaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo maamullada hoose. Waa in la caddeeyo cidda bixineysa adeeg kasta, sida dakhliga loo qaybsanayo iyo halka muwaadinku u gudbinayo cabashadiisa.
Federaal waxtar leh waa mid xoojiya wadashaqaynta, qeexa waajibaadka hay’adaha, isla markaana yareeya jahawareerka maamulka.
- Tiknoolajiyadaiyo adeegyada dijitaalka ah
Soomaaliya waa inay ka faa’iidaysataa tiknoolajiyada si loo fududeeyo adeegyada dowladda, loo yareeyo kharashaadka loona xoojiyo raadraaca lacagaha iyo go’aannada.
Adeegyada dijitaalka ah waxaa lagu horumarin karaa canshuuraha, ruqsadaha, diiwaangelinta, qandaraasyada iyo codsiyada muwaadiniinta. Hase yeeshee, waa in la ilaaliyo xogta gaarka ah, la xoojiyo amniga dijitaalka ah, lana hubiyo in dadka aan haysan internet ama koronto joogto ah aysan ka harin adeegyada dowladda.
- Ka-qaybgalkamuwaadiniinta
Muwaadiniintu waa inay noqdaan qayb joogto ah oo ka mid ah maamulka dalka, halkii doorkoodu ku koobnaan lahaa xilliyada doorashada. Wadatashiyada dadweynaha, dhageysiyada miisaaniyadda, guddiyada bulshada iyo nidaamyada cabashadu waa inay noqdaan habab si joogto ah u shaqeeya.
Haweenka, dhallinyarada, dadka naafada ah, ganacsatada, aqoonyahannada iyo dadka barakacayaasha ah waa inay helaan fursad dhab ah oo ay codkooda ku gaarsiiyaan hay’adaha dowladda.
Maxaa marka hore la qaban karaa?
Waxaan soo jeedinayaa in dib-u-habaynta lagu bilaabo tallaabooyin macquul ah oo la cabbiri karo, halkii la isku dayi lahaa in dhammaan dhibaatooyinka hal mar la xalliyo.
100-ka maalmood ee ugu horreeya
Maamulka doonaya in wax ka baddal lagu sameeyo hannaanka hufnaanta dalka waa in marka hore qiimeyn lagu sameeyo nidaamyada miisaaniyadda, qandaraasyada, hanti-dhawrka iyo helitaanka xogta. Sidoo kale, aqoonsiga xogta waa in ay tahay in hay’ad kasta si joogto ah u shaaciso, lana diyaariyo qorshe hawleed leh masuuliyado, waqtiyo iyo natiijooyin la cabbiri karo.
Sannadka koowaad
Tallaabooyinka la qaadayo sanadka koowaad in la daabaco warbixinnada fulinta miisaaniyadda, bilaabidda diiwaannada furan ee qandaraasyada iyo mashaariicda mudnaanta leh, samaynta hannaan lagu dabagalo talooyinka hanti-dhawrka iyo horumarinta hababka lagu qaabilo laguna xalliyo cabashooyinka muwaadiniinta.
Afarta sano ee soo socota
Tallaabada xigta waa in la ballaariyaa nidaamyada daahfurnaanta dhammaan heerarka dowladda, la xoojiyo xirfadaha shaqaalaha iyo awoodda hay’adaha kormeerka, la sameeyaa qiimayn madax-bannaan oo lagu cabbiro horumarka iyo caqabadaha, lana horumariyaa adeegyada dijitaalka ah iyo ka-qaybgalka bulshada.
Qorshahan waa soo-jeedin siyaasadeed oo u baahan in lagu saleeyo awoodda hay’adaha, xaaladda amniga, miisaaniyadda iyo sharciyada dalka.
Sidee loo cabbiri karaa daahfurnaanta dowladda?
Daahfurnaanta laguma cabbiro tirada shirarka la qabtay ama dukumentiyada la daabacay oo keliya. Waxaa lagu qiimeeyaa in xogtu sax tahay oo la heli karo, in qandaraasyadu si furan u dhacaan, in talooyinka hanti-dhawrka la fuliyo, in cabashooyinka laga jawaabo iyo in adeegyada dadweynuhu gaaraan dadka loogu talagalay.
Sidaas darteed, hay’adaha dowladda waa inay sannad kasta soo saaraan warbixin muujinaysa heerka daabacaadda miisaaniyadaha iyo warbixinnada maaliyadeed, tirada iyo tayada qandaraasyada si furan loo bixiyey, heerka fulinta talooyinka hantidhawrka, sida looga jawaabo codsiyada xogta dadweynaha, tirada cabashooyinka la helay iyo kuwa la xalliyey iyo horumarka laga gaaray tayada adeegyada bulshada.
Warbixinnadaas waa inay ku salaysnaadaan xog la hubin karo, lana helo hannaan madax-bannaan oo xaqiijiya natiijooyinka.
Muwaadinku waa inuu awood u yeeshaa inuu isbarbar dhigo wixii la ballanqaaday iyo wixii dhab ahaan la qabtay. Taasi waa halka daahfurnaantu uga gudubto qoraal rasmi ah una beddelanto isla-xisaabtan dhab ah.
Gunaanad: Hufnaantu waa aasaaska dowladnimada waarta
Soomaaliya waxay u baahan tahay inay ka gudubto dowlad-dhis ku kooban qaybsiga xilalka iyo awoodda siyaasadeed, una gudubto nidaam xoogga saaraya kartida hay’adaha, adeegga bulshada, ilaalinta hantida dadweynaha iyo kalsoonida muwaadiniinta.
Hindisaha HUFNAAN wuxuu soo jeedinayaa hannaan dowladeed oo awoodda ku xaddida sharci, maamulka ku saleeya karti, hantida dadweynaha ku ilaaliya isla-xisaabtan, go’aannadana ku dhisa xog iyo wadatashi.
Hiigsigani wuxuu u baahan yahay rabitaan siyaasadeed, sharciyo la fuliyo, hay’ado madaxbannaan, shaqaale xirfad leh iyo muwaadiniin si firfircoon uga qaybqaata ilaalinta danta guud.
Dowlad daahfuran ma aha dowlad aan khalad samayn, balse waa dowlad aqbasha in khaladaadkeeda la ogaado, la saxo, masuuliyadda la qaado, sharcigana lagu dhaqmo. Waa dowlad aan muwaadinka u arkin qof codkiisa loo baahan yahay xilliga doorashada oo keliya, balse u aqoonsata qof xaq u leh inuu ogaado sida dalka loo maamulayo.
Su’aashu maanta ma aha oo keliya cidda Soomaaliya maamuli doonta, balse waa sida loo xaqiijinayo in awoodda dalka lagu maamulo ay noqoto mid sharciyeysan, daahfuran oo bulshada u adeegta.
Hindisaha HUFNAAN wuxuu dhiirigelinayaa Dowlad la fahmi karo, awood lala xisaabtami karo, hanti dadweyne la ilaalinayo iyo muwaadin codkiisu saamayn leeyahay.
W/Q: Abdiwali Jama Barre waa Agaasimaha Dhaqdhaqaaqa Aayatiin, kana tirsan asaasaayaasha Somali Leadership & Global Affairs Academy (SOLGA).