Soomaaliya waxay si xun shafka dhulka ugu dhufatay sannaddii 1991. Hoobadkii la galay waxa ka dhashay colaad sokeeye oo lagu riiqday, qax, kalaqaybsanaan bulsho iyo taladii dawladnimo oo meesha ka baxday taas oo dhashay madhnaan awoodeed. Tobanguuro dawlad la’aan ah kaddib, waxa sannaddii 2000 magaalada Carta ee waddanka Jabbuuti dib loogu soo yagleelay haykalka dawladnimo ee haantan jirta oo ku suntan  Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya. Qaranjabkii waxa ka soo baxay is’aaminaad la’aan bulsheed iyo aragtiyo ku aaddan nooca dawladeed ee Soomaaliya ku habboon maaddaama ay Soomaalilaan ku dhawaaqday gooni-isutaag, halka Buntilaan ay samaysatay ismaamul dawladeed oo lagu sugayo nidaam federaal ah oo bulshada ka dhexeeya. Jamhuuriyaddii Carta lagu soo dhisay waxay noqotay dawladnimo kor-ka-soo-dhis ah (top-down approach), iyada oo aan haysan sharciyad bulsheed oo ballaadhan, dibuheshiisiin, wadahadallo nabadeed iyo lahaansho gudaha ah. Taasi waxay sababtay in ilaa maanta dawladnimadu noqoto wax qalaad oo aan xerudhalan ahayn, bulshaduna ka shakisan tahay, maaddaama aan lama marin jidadkii qarandhis iyo dawlad-dhis ee dal ku taabbageli jiray.

Dawladnimada kor laga keenay cilladaha ay lahayd waxa ka mid ah loollanka ka dhexeeya haldoorka siyaasadeed ee Soomaalida, kuwaas oo laga waayey aragti ay heshiis ku yihiin. Dibuheshiisiin la’aan, kalsoonida bulshada oo burburtay, xoogag hubaysan iyo loollanka qabaa’ilka ka dhexeeya awgeed waxay keentay in dawladnimadu waaqaca ka hirgeli waydo. Sidaa awgeed, waxa la hindisay Hawlgalka Midowga Afrika ee magacyada kala duduwan qaatay muddadii labaatanka sanno ahayd midkaas oo loogu talaggalay in uu amniga sugo. Waxa uu ahaa hawlgalkii ugu qaalisanaa, ugu halista badnaa, ugu baaxadda weynaa, uguna cimriga dheeraa, ee uu Midowga Afriki diro sida uu tilmaamay Paul D. Williams, oo mawduucan wax ka qoray. Intaa waxa dheer in dawladda kor laga soo dhisay Beesha Caalamku ku bixisay taageero miisaaniyadeed iyo galaangal diblumaasiyadeed oo baaxad leh. Muddadaas rubuc qarniga ah Jamhuuriyaddu waxay magan u ahayd dedaallada reer Galbeedka. Waxa la ilaalinayey, la taageerayey, la dhisayey waxay ahaayeen nukhbada siyaasadeed ee Soomaalida oo looga dan lahaa in ay dawladnimada daadejiyaan, amniga sugaan, dhaqaalaha wax ka qabtaan, dibuheshiisiinta wax ka geystaan oo bulshada iyo dalkaba mideeyaan.

Haldoorkii siyaasadeed ee laga sugayey in dalka jabay dib u kabaan waxay isugu biyashubteen dad dufanjecel iyo dibnaleef miidhan ah. Waxay sii geeddigeliyeen cunsurradii sababay dagaalka sokeeye sida musuqmaasuqa, xukun jacaylka, cunfiga siyaasadeed iyo ku amarkutaaglaynta dawladnimada. Waxay ka mid noqdeen kooxaha silic-ka-macaashka Soomaaliya. Heshiiskii  siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Saddexaad asaaska u ahaa waxa uu ahaa: 1) maamul dimuqraaddi ah oo suurtageliya doorasho xilliyeed; 2) awood-qaybsiga beelaha ee 4.5; 3) nidaam baarlamaani ah; iyo 4) nidaam federaal ah. Intaas waxay ahayd wax si uun bulshadu heshiis ugu ahayd, wax ku kala socdeen, sida oo kalana wax lagu dhul dhisi karayey haddii ay noqoto wax-ka-beddel iyo kaabis labadaba. In heshiiskaas wax lagu dul dhiso oo bulshada kalsoonideeda la isugu keeno, dibuheshiisiin la sameeyo, oo wax dawladnimada iyo midnimada dalka wax u taraya lagaga shaqeeyo dhaaf e, madaxdii talada qabatay waxay u qaateen in dawladnimadii iyo hay’adaheediiba sidaas ku dhisan yihiin. Halkaas waxa ka abuurmay in dawladnimadii yabyabka ahayd la isugu taag sheegto, xukunka la urursado, gacankahadal ciddii hadashaba lagu edbiyo, oo ugu danbayn qoriga iyo gummuca la aamino in ay taliyaan.

Madaxdii xukunka timi waxay meel isaga leexiyeen ka shaqaynta dantii dadweyne. Waxa afarta jaho ku silicsan shacabkii, waxa suququl ah ama aan jirin adeegyadii bulsheed sida caafimaadkii, waxbarashadii, jidadkii, korontadii iyo amnigii. Waxa intaa dheer in wadajirkii bulsheed aan meelna lagu ogayn. Dawladnimada dibadda laga keenay waxay kobcisay haldoor siyaasadeed oo dhiigmiirad ah, kuwaas oo aan danaha bulshada waxba ku biirin. Afartii sanno ee walba dacar qadhaadh ayey xukuumaddii timaaddaba shacabka dhadhan siisaa. Isqabqabsi doorasho, hub urursi, sharciyadda dawladda oo la buriyo, muquunin siyaasadeed, iyo xukunka oo lagu dhego ayaa meertadii kastaa lagu idlaystaa. Beesha Caalamka oo nidaamka dhisan ilaalisa waxa uu waqtiga ugu badan kaga baxaa maaraynta khilaafka madaxda, ku cadaadinta doorasho loo dhan yahay iyo xejinta in aanu nidaamku dumin.

Maanta Jamhuuriyaddii Saddexaad waxay wajahaysaa burbur lixaad leh oo isugu jira cunsurro dibadeed iyo kuwo gudeed. Cunsurrada dibadeed waxa ugu weyn nidaamkii caalamiga ahaa ee ay ku tiirsanayd oo meesha ka sii baxaya. Waxa go’ay deeqii caalamiga ahaa, waxa gabaabsi ah kabkii miisaaniyadeed ee sannadlaha ahaa, waxana su’aal weyni saaran tahay mustaqbalka ciidammada nabad ilaalinta ee Soomaaliya kuwaas oo wajahaya dhaqaale xumo baahsan, iyada oo la filayo muddo aan dheerayn in ay baxaan. Waxa gobolka Geeska Afrika iyo Soomaaliyaba ku loollamaya danaha awoodaha dhexe sida Turkiga, Sucuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Israa’iil. Dhab ahaan waxa la galay hirdan juquraafi-siyaadadeed (geopolitical rivalry) oo xasaasi ah. Waxaan shaki lahayn in tartanka xoogaggaas la kala safashadoodu dalka galaafan doonaan haddii ay xaaladda siyaasadeed sidan ku sii jirto. Cunsurrada gudaha waxa ka mid ah quusta la gala kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga qabay filasho ah in uu yahay nin dalka joogay, madaxweyne hore soo noqday, muddo mucaarad ahaa, odaytinnino lagu tuhmayey, waayo’aragnimo laga shinsanayey, oo ku kacay falal dawladnimada iyo shacabkeedaba u daran. Waxa uu burburiyey dhammaan heshiisyadii asaaska u ahaa Jamhuuriyadda. Waxa uu geystay dhulboob iyo qiimatir hay’adihii dawladeed ah, iyada oo uu dhisay kalasarrayn bulsho iyo sinnaan la’aan dhaqaale oo aan caadi ahayn. Waxa taagan khailaafka maamul-goboleedyada iyo dawladda dhexe oo meel xun maraya, iyada oo uu dhacay mudda’xilkeedkii xukuumadda, welina aan la gaadhin wax heshiis ah oo kalaguurka lagaga gudbayo. Waxa taa ka daran khataraha argagixisada al-Shabaab oo sii kordhaysa, heshiisyada ay beelaha la gelayaan iyo deegaannada ay isku fidinayaan kuwaas oo abuuray walaac hor leh oo ku aaddan mustaqbalka amni iyo jiritaan ee Soomaaliya.

Rejabbeelka shacabku waa halista ugu weyn ee Jamhuuriyaddu wajahayso. Marka shacabku waayo rejadii uu ka qabay dawladda, waxa dhaawacma xidhiidhkii ka dhexeeyey muwaaddinka iyo hay’adaha dawladda. Taasi waxay saamaysaa sharciyadda dawladda, kalsoonida bulshada iyo awoodda ay dawladdu ku shaqayn karto. Dhaqan-siyaasadeedka madaxda musuqu ahi waxay shacabkii ku rideen daal, niyadjab iyo in xaaladda Soomaaliya aanay waxba ka soo naasacaddaanayn. Maanta quustu waxay maraysaa halkii ugu sarraysay waxa la gaadhay xaalad nafsadeed oo danayn la’aan ah (apathy), oo ka dhalatay dagaallada sokeeye, saboolnimada baahsan, iyo hoggaanxumada. Waxa kala qaybsan shacabkii: isku dan ma aha, isku si wax uma arkaan, isku sina uguma muuqato hiraal mustaqbaleed. Dadweynaha qaar waxay qabaan quus ah in madaxda Soomaalidu aanay waxba is dhaamin, oo dameer iyo labadiisii dhegood yihiin. Sidaa awgeed waxay isu dhiibeen ka haatan jooga (oo dalkii iyo dadkiiba xanuujiyey) in uu iska joogo intii cid kale iman lahayn. Kuwo kale waxay ayidsan yihiin in dalka lagu kala guuro oo cid walba dawlad noqoto. Codad kale oo bulsheed waxay tibaaxayaan in ciidammada shisheeye la bixiyo oo Soomaalida la isu dhaafo. Waxay eedda oo dhan saarayaan taageerada Beesha Caalamka oo ay u arkaan wax dalka habsaamiyey, haldoorka siyaasadeed ilaaliyey, sida oo kalana abuuray xaalad caadiyow ah. Soomaaliya waxay ku sugan tahay maahmaahdii ahayd, “lug kala tagtay ma xumee laab kala tagtay baa xun.” Waxa lumay rejadii shacabka iyo firficoonidii la arki jiray xilliyada doorashada. Dad badan waxay ka werersan yihiin daalka shacabka oo calaamad u ah rejodhiggid, hubanti la’aan iyo isdhiibid.  Abwaan Gaarriye (1992) maansadiisa Ergo sida uu ku tilmaamay uur kala guurku waa ummuur culus, waana ta Soomaaliya ka muuqata.

“Gadhlow awr kala guurtay

La arkee mar kaleeto

In ay ool ku kulmaane

Haddii uur kala guuro

Saw ummuur culus maaha.”

Mushkiladda jirta waa mid murugsan oo kolka si qotodheer loo fiiriyo ka gudaballaadhan doorashooyin la qabto. Dabcan doorashooyinku waa dhiig-joojin iyo aag nefis cusub laga qaato, laakiin xaaladda hadda jirta taas oo keli ah xal u ma aha. Arrimaha aynu kor ku soo xusnay waxay caddaynayaan nidaamkii haldoorka siyaasadeed ilaalinayey, ee u shaqaynayey in uu hoobad xooggani ku socdo. Habdhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya yaalla ma aha mid ay mustaqbalka ku samatabixi karto. Xalka ii muuqda waa hal mid uun: in kacdoon shacab dhaco oo salka loo rujiyo madaxda musiibo ka-macaashka ah ee bulshada ku haysta muquuninta dhaqan (cultural hegemony). Kacdooonka waa in ay gadhwadeen ka noqdaan indheergaradka iyo shacabka ay isu raaceen walaaca iyo quustu. Waa in la soo dhiso dawladnimo dadka u eg oo saani u metesha.

W/Q: Axmed Abshir Yuusuf (Miido)