Sacuudiga ayaa la sheegay inuu Xuutiyiinta u soo bandhigay lacag dhan $1 bilyan, heshiis ay dhex-dhexaadinayso Iran, si loo joojiyo weerarrada Xuutiyiinta.

Ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan gobolka Khaliijka ayaa sheegay in booqashadii lama filaanka eheyd ee Wasiirka Difaaca Sacuudiga Amiir Khalid bin Salman uu ku tegay Iiraan ay ujeeddadeedu eheyd in heshiis xabbad-joojin ah lala gaaro Xuutiyiinta. Heshiiska la sheegay ayaa dhigaya in Sacuudigu uu Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iiraan ku wareejiyo lacag dhan hal bilyan oo doollar isaga oo sii maraya Tehran.

Sida uu sheegay mid ka mid ah ilaha xogtan bixiyay, Bin Salman ayaa siday lacagta markii uu ku safrayay diyaaradda milatari ee xamuulka qaadda ee Hercules, taas oo uu ku tegay Iiraan.

Booqashada waxaa soo qabanqaabiyay xulafada Sacuudiga ee ku jira heshiiska difaaca ee Maka. Wadahadallada waxaa sidoo kale ka qaybgalaya madaxa sirdoonka Turkiga, Ibrahim Kalin iyo taliyaha ciidanka Pakistan Field Marshal Asim Munir.

Pakistan iyo Turkiga ayaa la sheegay inay ku guuldarreysteen inay Sacuudiga siiyaan taageero wax ku ool ah, inkasta oo heshiiska difaaca ay wada galeen uu sidaas dhigayo. Labada dal ayaa diray oo keliya la-taliyeyaal milatari, balse ma aysan dirin ciidamo dheeraad ah oo difaaca, inkasta oo isbahaysiga difaacu si cad u dhigayo in xubnuhu ay bixiyaan kaalmo milatari haddii midkood la weeraro.

Dhinaca Iiraan, waxaa wadahadallada uga qaybgalay Madaxweyne Masoud Pezeshkian, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Jeneraal Mohsen Rezaei iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC).

Xuutiyiinta ayaa weerarro ku qaaday garoomada diyaaradaha, gaar ahaan xarumaha shidaalka ee Sacuudiga, kuwaas oo sababay khasaare dhaqaale oo weyn oo soo gaaray boqortooyada. Isla xiligaas, weerarrada Iiraan ay ku qaaday maraakiibta shidaalka ee marinka Hormuz ayaa carqaladeeyay dhoofinta shidaalka ee dalalka Khaliijka.