Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa guuldarrada xisbigiisa ka soo gaartay doorashadii dhexe ee Talaadadii ku sababeeyay in codbixiyeyaashu aysan ku qanacsanayn sare u kaca qiimaha shidaalka ee ka dhashay dagaalka Iiraan.

Trump oo saaka wareysi siiyay telefishinka Fox News ayaa sheegay in shacabka Mareykanku ay taageersan yihiin mowqifkiisa ku aaddan duulaanka Iiraan, balse aysan diyaar u eheyn inay u dulqaataan cawaaqibka dhaqaale ee dagaalka, gaar ahaan kororka qiimaha shidaalka.

“Dadku way igu raacsan yihiin waxa aan ka sameynayo Iiraan, balse malaha diyaar uma eheyn inay muddada gaaban bixiyaan lacag dheeraad ah oo shidaal ah,” ayuu yiri Trump, isagoo kororka qiimaha shidaalka ku tilmaamay dhibaato ku meel gaar ah oo laga filayo iney ka dhashaan faa’iido fog oo mustaqbalka Mareykanka anfaceysa.

Trump ayaa sidoo kale ka digay in ciidamada Mareykanku ay dhammaystiri karaan howlgallada milatari haddii dowladda Tehran aysan la shaqeyn, inkastoo uu sheegay in weli suuragal tahay heshiis diblomaasiyadeed oo Iiraan looga xaddidayo hubka nukliyeerka.

Dhanka kale, wuxuu mar kale difaacay go’aankiisa ku aaddan dhimista kaalmada dhaqaale ee Israa’iil, isagoo sheegay in Israa’iil ay hadda noqotay dal dhaqaale ahaan hodan ah oo aan u baahnayn $4 bilyan oo gargaar sanadle ah.

Hadallada Trump ayaa imaanaya iyadoo xisbiga Dimuqraadiga la saadaalinayo inuu ku guuleystay gacan ku haynta Aqalka Senate-ka, isla markaana uu u muuqdo inuu aqlabiyad ka heli doono Aqalka Wakiillada, taas oo caqabad ku noqon karta qorshayaasha sharci-dejin ee madaxweynaha.

Trump ayaa aqbalay natiijada doorashada, isagoo ammaanay musharraxiinta mucaaradka oo uu sheegay inay si adag u tartameen, wuxuuna muujiyay inuu Dimuqraadiyiinta kala shaqeyn karo arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin socdaalka.

Wareysi kale oo uu siiyay wargeyska Politico ayuu ku sheegay inuu dastuur ahaan awood u leeyahay inuu diido sharciyada uu Congress-ku ansixiyo, balse uu doorbidayo inuu xildhibaannada la shaqeeyo halkii uu laba sano ku qaadan lahaa diidmada sharciyada.