Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu heshiis la gaaray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaas oo dhigaya in Washington ay joojin doonto dhaqaalaha ay siiso Israa’iil marka uu dhammaado sanadkan.

“Marka laga hadlayo lacagta aan siino Israa’iil, aniga iyo Netanyahu waxaan heshiis ku gaarnay inaan Israa’iil siino 4 bilyan oo doollar sanadkii, balse bilo ka hor ayaan isla garannay inaan joojinno,” ayuu Trump u sheegay telefishinka Fox News, gaar ahaan barnaamijka Fox and Friends, kadib markii ay bilaabatay codeynta doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka.

“Waxaan horey ugu heshiinnay in marka uu dhammaado sanadkan aynaan mar dambe lacag siin doonin Israa’iil.” ayuu sii raaciyay.

Weli si cad looma oga nooca gargaarka uu Trump ka hadlayay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaan si degdeg ah uga jawaabin fariino ay wqrbaahinta u dirtay oo arrimahan wax looga weydiinayay.

Gargaarka milatari ee Mareykanku siiyo Israa’iil iyo deeqaha dhaqaale ee taageerayaasha Israa’iil ay ku bixiyaan ololaha doorashooyinka siyaasiyiinta Mareykanka ayaa sanadkan noqday arrimo muran xooggan ka dhaliyay labada xisbi ee waaweyn ee dalkaas ee kala ah; Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.

Dhaliilaha adag ee ay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Mareykanku si fagaare ah ugu jeedinayaan Israa’iil sannadihii u dambeeyay ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ka duwan taageeradii xoogganayd ee labada xisbi ay Israa’iil siin jireen tobannaan sano.