Sheekada Navi Pillay waxa ay marag u noqotay weedha tiraahda: Halka aad ka timid ma go’aamiso halka aad u socoto.
Taariikh Nololeedkeeda iyo Guulaheeda Qaanuunka
Navi Pillay waxay ku dhalatay Durban, Koonfur Afrika, xilli dalkaas uu ka jiray nidaamkii midab-takoorka ee Apartheid-ka[1], oo dadka sharci ahaan loogu kala sooci jiray midabkooda. Waxay kasoo jeedday qoys Tamil ah oo asal ahaan ka soo jeeda Hindiya, isla markaana aan dhaqaale badan haysan. Aabbaheed wuxuu ahaa darawal bas, wuxuuna mararka qaar qaban jiray shaqooyin kale si uu baahida qoyskiisa u daboolo. Inkastoo duruufahaas jireen, Navi iyadoo yar ayay ku hammiday inay noqoto qareen.
Markii ay hammigeedaas la wadaagtay macallinkeeda, jawaabtii ay heshay ma ahayn mid dhiirrigelin leh. Waxaa loo sheegay in barashada qaanuunku qaali tahay, isla markaana ay inta badan awoodaan dadka kasoo jeeda qoysaska ladan. Navi se hadalkaas kama reebin riyadeeda. Qoyskeedu ma awoodin dhammaan kharashka waxbarashada, sidaas darteed dadkii xaafaddeeda ayaa isu gurmaday, mid walbana wixii uu awooday ayuu ku darsaday si ay jaamacad u tagto.
Taageeradaas bulshada ayaa u sahashay inay gasho University of Natal, halkaas oo ay ka qaadatay BA iyo LLB. Waxbarashadeedu halkaas kuma joogsan; markii dambe waxay gaartay Harvard University, halkaas oo ay ka sii baratay sharciga ilaa heer doctorate. Markii ay qalin-jabisay, Pillay qareennimada uma aysan arag mihnad ay ka macaashto oo keliya. Waxay sharciga u adeegsatay difaaca dadka dulman iyo kuwa ka soo horjeeday Apartheid-ka. Waxay difaaci jirtay u-dhaqdhaqaaqayaasha siyaasadeed, waxayna ka shaqeysay xuquuqda maxaabiista siyaasadeed ee Robben Island[2], oo ay ku jireen Nelson Mandela iyo halgamayaal kale.
Waxaa ka mid ahaa dadaalladeeda sidii maxaabiistu u heli lahaayeen xuquuqo aasaasi ah, sida inay la xiriiri karaan qareennadooda. Waxay sidoo kale noqotay haweeneydii ugu horreysay ee gobolka Natal ka furata xafiis qareennimo oo ay iyadu leedahay. Sanadkii 1995-na waxay gaartay guul kale oo taariikhi ah, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee aan caddaan ahayn ee garsoore ka noqota High Court-ka Koonfur Afrika.
Guulaheeda dhinaca qaanuunku kuma aysan koobnaan gudaha Koonfur Afrika. Waxay u gudubtay garsoorka caalamiga ah, iyadoo garsoore ka noqotay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Rwanda (ICTR)[3], oo loo sameeyay in lagula xisaabtamo dadkii lagu eedeeyay dambiyadii la xiriiray xasuuqii Rwanda ee 1994. Markii dambe waxay madax ka noqotay isla maxkamaddaas.
Doorkeeda Sharciga Caalamiga ah iyo Go’aannadii Taariikhiga ahaa
Rwanda ayaa noqotay meel si weyn looga xasuusto raadkii Navi Pillay ku yeelatay sharciga caalamiga ah. Waxay ka mid ahayd garsoorayaashii dhageystay oo go’aanka ka gaaray kiiskii taariikhiga ahaa ee Akayesu[4], kaas oo sanadkii 1998 dejiyey mabda’ sharci oo muhiim ah: in kufsiga iyo tacaddiyada galmada, marka loo adeegsado ujeeddo lagu burburinayo koox gaar ah, loo aqoonsan karo falal ka mid ah xasuuqa.
Shaqadeeda Rwanda kadib, Pillay waxay garsoore ka noqotay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC[5], oo loo sameeyay in lagu maxkamadeeyo dadka lagu eedeeyo dambiyada culus sida xasuuqa, dambiyada dagaalka iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha. Intii u dhexeysay 2008 ilaa 2014, waxay noqotay UN High Commissioner for Human Rights[6], oo ah xilka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee arrimaha xuquuqda aadanaha.
Sanadihii dambe, Pillay waxay madax ka noqotay UN Independent International Commission of Inquiry on the Occupied Palestinian Territory[7], oo baarayay xaaladda dhulka Falastiin ee la haysto. Sanadkii 2025, guddiga ay hoggaaminaysay wuxuu soo gabagabeeyay in Israel ay mas’uul ka tahay commission of genocide in Gaza[8]. Taasi waxay ahayd gunaanad kasoo baxay guddi baaritaan oo Qaramada Midoobay ah, mana ahayn xukun kama dambeys ah oo maxkamad caalami ahi soo saartay.
Marka la eego safarkeeda oo dhan, waxaa muuqata in Pillay aysan qaanuunka u arkin meel magac iyo lacag keliya laga sameeyo. Waxay sharciga u adeegsatay difaaca dadka dulman, sidii cod loogu noqon lahaa dadka aan codkooda si fudud loo maqlin, lagulana xisaabtami lahaa kuwa awoodda leh.
Heerka ay Maanta Joogto iyo Guusha Nobel Peace Prize 2026
Navi Pillay maanta weli waxay ku dhex jirtaa arrimaha ugu waaweyn ee sharciga caalamiga ah. Waxay judge ad hoc[9] ka tahay dacwadda The Gambia v. Myanmar[10] ee ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ[11], taas oo ku saabsan eedeymaha xasuuqa loo geystay dadka Rohingya[12]. Doorkeedani kama dhigna inay tahay garsoore joogto ah oo ICJ ka tirsan; waxay si gaar ah uga tirsan tahay garsoorka kiiskan, waxaana looga baahan yahay inay waajibaadkeeda u gudato si madax-bannaan.
Sumcaddeeda dhinaca qaanuunka iyo xuquuqda aadanaha ayaa muddo dheer dunida laga aqoonsanaa. Sannadkii 2009, Forbes waxay ku dartay liiska 100-ka haween ee ugu awoodda badan dunida. Isla 10-kii December 2009, University of Pretoria waxay siisay shahaado sharafeed Doctor of Laws ah, iyadoo lagu maamuusay kaalinteeda qaanuunka iyo xuquuqda aadanaha.
9-kii Oktoobar 2026, Navi Pillay waxaa lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel[13], iyadoo Guddiga Nobel uu ku maamuusay dadaalkeeda ku aaddan horumarinta nabadda iyo sharciga caalamiga ah. Guddigu wuxuu si gaar ah u xusay kaalinteeda horumarinta nidaamka sharciga caalamiga ah, adkaanta garsoorkeeda, daacadnimadeeda iyo geesinimadeeda.
Waxa kale oo uu adkeeyey in xilli hay’adaha iyo garsoorayaasha sharciga caalamiga ahi wajahaan cadaadis siyaasadeed, shaqada Pillay ay xasuusin u tahay in nabad waarta aysan ka maarmin caddaalad, la xisaabtan iyo ilaalinta sharciga caalamiga ah. 10-ka December 2026 ayay Oslo ku guddoomi doontaa abaalmarintaas.
Guusha Nobel-ka ee Navi Pillay ma ahan oo keliya abaalmarin lagu maamuusay shaqsiyad soo martay xilal waaweyn. Waxay sidoo kale iftiiminaysaa doorka uu sharcigu ku leeyahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, la xisaabtanka kuwa geysta dambiyada culus iyo raadinta nabad waarta.
Safarkeeda laga soo bilaabo Durban ilaa maxkamadaha caalamiga ah wuxuu muujinayaa sida aqoonta qaanuunka loogu adeegsan karo wax ka weyn guul shaqsiyeed. Dadkii xaafaddeeda ee markii hore lacagta isu geeyey si ay jaamacad u tagto ma aysan ogeyn halka uu safarkaas gaari doono. Tobannaan sano kadib, gabadhii ay taageereen waxay noqotay garsoore caalami ah oo sumcad weyn ku leh sharciga iyo xuquuqda aadanaha, ugu dambeyntiina ku guuleysatay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel.
Guusheedu waxay sidoo kale muujinaysaa sida aqoonta qaanuunka loogu adeegsan karo ilaalinta xuquuqda, la xisaabtanka iyo nabadda, halkii ay ku ekaan lahayd guul shaqsiyeed ama xirfadeed.
FIIRO GAAR AH; Xogta maqaalkaan waxaa laga soo ururiyey ilo kala duwan oo lagu kalsoon yahay, oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay, maxkamadaha caalamiga ah, Guddiga Nobel, jaamacado iyo warbaahin caalami ah, waxaana la isku geeyey si loo soo bandhigo taariikhda, shaqada iyo raadkii Navi Pillay ku yeelatay sharciga caalamiga ah.
[1] Nidaam sharciyeysan oo midab-takoor ahaa oo ka jiray Koonfur Afrika, kaas oo dadka xuquuqdooda iyo noloshooda lagu kala sooci jiray midab iyo asal.
[2] Jasiirad ku taal Koonfur Afrika oo muddo dheer loo adeegsan jiray xabsi siyaasadeed, waxaana lagu xiray Nelson Mandela iyo halgamayaal kale oo ka soo horjeeday Apartheid-ka.
[3] Maxkamad ay Qaramada Midoobay dhistay si loo maxkamadeeyo dadkii lagu eedeeyay xasuuqii Rwanda ee 1994 iyo dambiyadii kale ee culus ee la xiriiray.
[4] Kiis taariikhi ah oo ICTR ay go’aamisay 1998, kaas oo muhiim u noqday aqoonsiga in kufsiga iyo tacaddiyada galmada ay xaalado gaar ah noqon karaan falal genocide ah.
[5] Maxkamad caalami ah oo joogto ah oo qaadda dacwadaha la xiriira genocide, crimes against humanity, war crimes iyo crime of aggression.
[6] Mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadanaha.
[7] Guddi madax-bannaan oo Qaramada Midoobay u xilsaartay baaritaanka xadgudubyada iyo dambiyada lagu eedeeyo inay ka dhaceen dhulka Falastiin ee la haysto.
[8] Tani waxay aheyd gunaanadkii guddiga baaritaanka Qaramada Midoobay ee 2025; ma ahayn xukun kama dambeys ah oo maxkamad caalami ahi soo saartay.
[9] Garsoore si gaar ah loogu magacaabo kiis gaar ah; ma aha garsoore joogto ah oo ICJ ka tirsan.
[10] Dacwad ka socota ICJ oo Gambia ay Myanmar ku eedeysay jebinta Genocide Convention-ka ee la xiriirta tacaddiyada loo geystay dadka Rohingya.
[11] Maxkamadda ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay, oo qaadda khilaafaadka sharci ee u dhexeeya dowladaha.
[12] Qowmiyad Muslimiin u badan oo ku nool Myanmar, gaar ahaan gobolka Rakhine, kuwaas oo muddo dheer wajahay takoor iyo barakicin.
[13] Abaalmarin caalami ah oo sannad kasta lagu maamuuso shaqsi ama hay’ad loo arko inay wax weyn ka qabatay nabadda.
W/Q: Abdullahi Ibrahim Ali