Qabanqaabada Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ee magaalada New York ayaa bilaabatay, wuxuuna marka uu ka dhammaado Washington qorshaynayaa inuu kulamo la yeesho ergooyinka ka qeyb galaya Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Shirkado iyo ololeeyayaal ku qanacsan qadiyadda Somaliland ayaa wada abaabul xoog leh oo ay ku doonayaan inay Cabdiraxmaan Cirro geliyaan gudaha xarunta QM, si uu goobjoog uga noqda shirka kulan waynaha madaxda caalamka ee qabsoomaya todobaadka saddaxaad ee bishan Sebtembar.

Sida qorshuhu yahay haddii ay wax ugu socdaan Madaxweyne Cirro ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sarreeyay ee qadiyadda Somaliland uga dhex ololeeya golewaynaha guud ee Qaramada Midoobay.

Dhanke kale, Dowladda Imaaraadka Carabta oo kaashanaysa Israa’iil -oo Somaliland u aqoonsan dal-ayaa la warinayaa in ay gacan qarsoon ku leedahay deddaalka u socda Cirro iyo maamulkiisa.

Madaxda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhankooda wada deddaal dublumaasiyadeed oo ka hortagaya iskudayga Somaliland. Hase ahaatee, weli ma muuqato inay guulaysanayaan iyo inkale, maadaama hawsha Somaliland ay dardar kusocoto ayna heshay garba taageeraya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ahayd inuu hoggaamiyo siyaasadda arrimaha dibadda ayaa hadda ku sugan Qaahira, waxaana uu 15-ka bishan u safrayaa Jabuuti, halkaas oo kaga qaybgeli doono shirka heerka wasiir ee IGAD. Wasiirka ayaa 18-ka bishan u socdaalaya New York, maalin uun ka hor furitaanka kulanka QM.

Sikastaba haddii Cirro uu tego QM, waxa uu noqonayaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland ka socda, ee shirwaynaha ka qaybgala. Sannadkii 1997, waxaa qadiyadda Somaliland horgeeyay QM, wasiirkii xilligaas ee arrimaha dibadda ee maamulkaas, Maxamuud Fagadhe, oo waraysi uu siiyay warbaahinta BBC, laanta Afka Soomaliga ku sheegay inuu hungo iyo faromarnaan kala soo laabtay QM.