Kaddib isku dhacyadii hubeysnaa ee saddexdii bishii Juunyo, 2026, ka dhacay Magaaladda Muqdisho, waxay dad badani filayeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xoogaa ka soo dabcay hammuunta dheeraadka ah ee u qabo in awoodda uu maroorsado.
Dib u dhacyada iyo isla-meereysiga wadahadallada mucaaradka iyo Madaxtooyadda waxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u noqdeen fursad uu ku sii wato farsamooyinkiisa ' ๐ซ๐๐๐๐๐ ๐๐ฌ๐ข ๐ซ๐ข๐ข๐, labbadaas waxyaabood oo ah, falsafada ama aragtida Madaxweynaha muddo dhaafka ah.
Mucaaradka, oo ay hormuud u yihiin Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) waxay soo gudbiyeen hannaan nooc doorasho, balse aragtidooda oo ah mid soo daahday lagama soo dhaweyn dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Inkastoo fursadaha wadahadallada siyaaasadeed aysan wali xirmin, haddana, waxaa muuqata in Madaxtooyadda Soomaaliya ay ka go'antahay dhaqaajinta ajandeyaasheeda doorashada heer maamul iyo tan heer Qaran.
Murqaweynta mucaaradka Muqdisho ayaa iyaguna ku wareersan sida ay uga falcelin karaan islamarkaana ay u hor-istaagi karaan damaca Madaxweyne Xasan ee CIDNA LOOMA JOOJINAYO, waxayna dad badani rumeysanyihiin in xubnaha golaha Mustaqbalku aysan qabin niyad-sami ku aadan natiijo deg deg ah oo ka soo bixi karta wadahadallada siyaasadeed.
๐ซ๐ฒ๐ฒ๐น๐ฎ๐ฑ ๐ถ๐๐ผ ๐ซ๐ผ๐ผ๐ด.
Ilo-siyaasadeed oo aad ugu dhow Madaxtooyadda ayaa ii xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu aad uga shaqeynayo xaalad siyaaasadeed si uu u maareeyo, saameynta kaalinta dalalka shisheeye ee ku aadan wadahadallada siyaaasadeed ee u dhaxeeya isaga iyo mucaaradka, wuxuuna Madaxweynuhu isu'muujinayaa in uu wali yahay qofka ugu dambeeya ee ay taladu ka go'do, mana u muuqdo hoggaamiye ku jira xaalad kala-guur ah.
Xeeladda siyaaasadeed ee daallinta dhinacyada ka soo horjeeda ajandihiisa doorashooyinka waxay u muuqdaan kuwa shaqeynaya, inkastoo aysan ahayn wax cago-badan ku taaggan oo ay daqiiqad kasta wax lama filaan ah dhici karaan si la mid ah dhacdooyinkii 3-dii Juun ee gacan ka hadalka ahaa.
๐๐ฏ๐ฏ๐๐๐ฟ๐ถ๐๐๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ถ๐ป๐ฎ๐ฐ๐๐ผ ๐บ๐๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ ๐ฎ๐ต
Haddeer, waxaa miiska saaran ugu yaraan 4 nuuc oo doorashooyin ah, kuwaas ay kala riixayaan afar kooxood oo saamiley siyaaasadeed ah, waxaana ka mid ah madaxtooyadda. Waxay kala yihiin.
๐ญ. ๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ ๐๐๐๐ฎ๐พ๐ฏ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ ๐ผ๐ผ ๐น๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ผ ๐บ๐๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฏ ๐ฎ๐ต.
๐ฎ. ๐ก๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ ๐ถ๐๐ผ ๐ก๐ผ๐น๐ผ๐น ๐ผ๐ผ ๐๐ ๐ต๐ผ๐ด๐ด๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ผ ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐๐ป๐ถ๐ต๐ถ๐ถ ๐ต๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐บ๐ต๐๐๐ฟ๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฒ๐ฑ๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐๐น๐น๐ฎ๐ฎ๐ต๐ถ ๐๐ฎ๐ฟ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ
๐ฏ. ๐๐ฆ๐ฃ ๐ผ๐ผ ๐๐ ๐ต๐ผ๐ฟ๐บ๐๐๐ฑ ๐ ๐๐ฎ๐ต๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐๐ป๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐๐ฎ๐ป ๐ฆ๐ต๐ฒ๐ฒ๐ธ๐ต ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐๐๐ฑ.
๐ฐ. ๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ ๐ถ๐ฑ๐ป๐ถ๐บ๐ผ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป ๐ผ๐ผ ๐๐ ๐ต๐ผ๐ด๐ด๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ผ ๐ฅ๐ฎ'๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐๐๐บ๐ฎ๐ฟ ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ, ๐๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ฎ ๐พ๐ผ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ฐ๐๐๐๐ฏ ๐น๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ๐ฎ ๐ถ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐๐ผ๐ผ๐๐ฎ๐ฑ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฏ๐๐๐ฟ๐ay ๐๐ถ ๐น๐ผ๐ผ๐ด๐ ๐ฐ๐ฎ๐ฟ๐พ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐๐ผ ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฒ ๐ฒ๐ฒ ๐บ๐๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ต.
Waxyaabaha uu fursado u arko Madaxweyne Xasan kahor natiijo laga filan karo wadahadallada heer Qaran waxaa ka mid ah inay ka soo yaraadeen culeysyadii siyaaasadeed ee maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, wuxuuna hadda u jiheystay Puntland.
Gacan-dhaafka siyaaasadeed ee arrimaha gudaha Puntland waxay madaxda dowladda dhexe u noqotay dood siyaaasadeed oo saameyn ku yeelan karta ama ugu yaraan dib u riixi karta wadahadallada mucaaradka iyo Madaxtooyadda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doodaha ka socda gudaha Puntland isaga leexinaya dareenka bulshada iyo siyaasiinta ka soo jeeda Hirshabelle iyo Galmudug, halkaas oo uu doonayo in uu ka hirgaliyo nuuca doorasho ee isagu doonayo.
๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ถ๐ถ๐ฏ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐บ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฎ๐ต ๐ฒ๐ฒ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ.
Dowladaha Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo sidoo kale xaafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxay doonayaan in wadahadallada siyaasadeed ee doorashooyinka aysan si fudud u fashilmin, inkastoo aan horrumar muuqda wali laga gaarin kulamadii dhacay.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo loo arko cidda rasmiga ah ee loolanka ugu adag ee siyaasadeed kula jirta madaxda dowladda ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa doonaya inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah, si cadaadiska loogu kordhiyo Madaxweyne Xasan, haddii uusan muujin tanaasul dhab ah.
Lagama sii hordhici karo tallaabooyinka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, hase ahaatee waxaa aad u xooggan suuragalnimada inay soo laabtaan rabshado siyaasadeed maadama xukuumadda Federaalka ah, ka soo horjeedo in siyaasiinta Muqdisho ee mucaaradka ah ay muujiyaan wax dhaqdhaqaaq ah sida bannaabaxyo, abaabul bulsho ama guur-guur caasimadda dhexdeeda ah.
Dadka sida dhow ugu fooggan damaca siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay isku raacsanyihiin, nin ay ka go'antahay inuu xaafiiska sii joogo, xoog iyo xeelad middii ay doontaba.
Hase ahaatee, waxaa marag-madoonta ah in khilaafka siyaasadeed ee taaggan uu saameyn tabban ku yeelan karo amniga guud ee Soomaaliya, iyadoo ay durbaba soo baxayaan walaaca laga qabo in hubanti la'aanta siyaasadeed ee hadda taaggan ay keeni karto xasillooni-darri amni, taas oo haddiiba ay dhacdo, ay si fudud uga faa-iidaysan karaan xoogaga kale ee hubeysan.
๐ช๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฎ ๐พ๐ผ๐ฟ๐ฎ๐: ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ข๐ฑ๐ผ๐๐ฎ, ๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ต ๐๐๐ ๐๐ณ๐ถ ๐ฟ๐๐ด-๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐ฎ๐ต, ๐ณ๐ฎ๐น๐ฎ๐ป๐พ๐ฒ๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐บ๐ป๐ถ๐ด๐ฎ, ๐๐ฎ๐ ๐ป๐ฎ ๐ธ๐ ๐พ๐ผ๐ฟ๐ฎ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฟ ๐ธ๐ฎ ๐บ๐ถ๐ฑ ๐ฎ๐ต ๐๐ฎ๐ฟ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ต๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐บ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฎ๐ต ๐๐ถ๐ฑ๐ฎ, ๐๐ฒ๐ฟ๐บ๐ฎ๐ป ๐ป๐ฒ๐๐ ๐ฎ๐ด๐ฒ๐ป๐ฐ๐ ๐๐ฒ๐๐๐๐ฐ๐ต๐ฒ ๐ฃ๐ฟ๐ฒ๐๐๐ฒ-๐๐ด๐ฒ๐ป๐๐๐ฟ (๐ฑ๐ฝ๐ฎ).