15-kii Oktoobar, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashooyinka, wuxuuna sheegay in doorashada baarlamaanka ay tahay 15-ka Abriil 2027, tan madaxweynahana 15-ka May 2027.
Dad badan ayaa u arkay in arrintaan ay tahay caqabad siyaasadeed oo loo dhigay mucaaradka. Hase yeeshee, waa kaarka koowaad ee turubka siyaasadda ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhigay miiska, kaas oo si gaar ah u beegsanaya laba nin oo keliya: Liibaan Axmed Xasan (Shuluq), oo la filayo inuu noqdo madaxweynaha Galmudug kadib codbixinta 22-ka Oktoobar, iyo Cali Guudlaawe ee Hirshabeelle.
Aqoonyahannada siyaasaddu arrintan waxay ugu yeeraan go'aaminta ajandaha (agenda control). Thomas Romer iyo Howard Rosenthal fikirkan aqooneed (concept) waxay u qeexeen sidan: qofka ajandaha dajiyaa ayaa go'aamiya waxa miiska la saarayo, si uu doodda ugu jiheeyo halka uu rabo, inta kalena ma haystaan wax ka badan inay aqbalaan ama diidaan waxa hortooda la dhigo. Marka Liibaan iyo Guudlaawe la dhaariyo, waa in la isugu yeeraa Golaha Wadatashiga Qaran. Isagoo taariikhaha horay u go'aamiyay, Xasan Sheekh wuxuu hubinayaa in goluhu uusan weydiin "jadwalkee?", balse uu weydiiyo oo keliya "jadwalkan ma aqbalaynaa mise maya?"
Tallaabadaan waa mid caqli-gal ah, balse waxay ku taagan tahay aasaas jilicsan. Iyadoo Puntland iyo Jubbaland ay ka baxsan yihiin geeddi-socodka, Koonfur Galbeedna ay dab ku jirto, Galmudug iyo Hirshabeelle waa labada dowlad-goboleed ee Xasan Sheekh u haray inuu la shaqeysto, haddana waa kuwa ugu khatarta badan, maadaama ay ka hor iman karaan qorshihiisa. Labada maamul oo keliya awood uma laha inay doorashada ka dhigaan mid qaran. Waxa keliya ee ay siin karaan waa sawirka Madaxweyne haysta garab siyaasadeed.
Halkaan wayaa meesha ay ka soo galayso: awoodda diidmada (veto). Veto waa awoodda uu dhinac u leeyahay inuu joojiyo go'aan, xitaa haddii inta kale oo dhan ay oggol yihiin, Aqoonyahanka George Tsebelis fikirkan aqooneed (concept) wuxuu u qeexaa sidan: dhinacyada haysta awoodda diidmada waa kuwa oggolaanshahoodu shardi u yahay isbeddel kasta.
Madaxweynayaasha hadda ee Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari si weyn ayay ugu tiirsan yihiin dowladda federaalka. Galmudug iyo Hirshabeelle se, marka labada nin la dhaariyo, uma tiirsanaan doonaan si la mid ah, maxaa yeelay mid walba wuxuu yeelanayaa xilli-xukun ka dheer kan Xasan Sheekh. Ka hor inta aysan xilka qaban, Liibaan iyo Guudlaawe ayaa u baahan Xasan Sheekh. Markay xilka qabtaan, isaga ayaa u baahanaya iyaga, maxaa yeelay qorshihiisa doorashada ma qabsoomi karo Galmudug iyo Hirshabeelle la'aantood. Go'aaminta ajandaha ayaa u suurtagelisay inuu Xasan Sheekh hadda qoro jadwalka; awoodda diidmada ayaa go'aaminaysa inuu jadwalkaasi sii taagnaado iyo in kale.
Liibaan iyo Guudlaawe madaxa ayay hoos u dhigeen, wax kasta oo laga dalbadana way sameeyeen si ay halkan u soo gaaraan. Labadan nin wax badan ayaa laga sheegay, laguna sheegay, laakiin cidna weligeed kuma eedayn inay yihiin rag garaad-darro ama caqli-xumo leh. Mid wuxuu ku cusub yahay xukunka; kan kalena horay ayuu u soo hayay.
Midkoodna ma doonayo inuu dusha u qaado culayska dowlad federaal oo ay ku yar tahay taageero gudaha iyo dibaddaba, ama inuu ku khamaaro in Xasan Sheekh uu adkaysan doono marka cadaadisku yimaado.
Mucaaradku hadda kama qayb galayaan doorashada, maxaa yeelay ma aqbalsana isbeddelka dastuurka. Laakiin haddii cadaadisku Xasan Sheekh dib ugu celiyo is-afgarad, sidii Farmaajo ku dhacday 2021, mucaaradka oo dhan ayaa tartanka soo gelaya. Labadan nin xaaladdaas si fiican ayay u yaqaanaan: Liibaan wuxuu xubin ka ahaa guddiga hirgelinta doorashooyinka federaalka (FEIT) ee 2021, Guudlaawena wuxuu ka mid ahaa labadii madaxweyne ee Abriil 2021 diiday kordhinta muddada Farmaajo, taasoo keentay inuu ka noqdo.
Masar, oo ah saaxiibka ugu dhow ee Xasan Sheekh uu dibadda ku leeyahay, ayaa 3-dii Oktoobar ku baaqday is-afgarad qaran. Haddaba, maxay labadan nin cadow ula yeelanayaan mucaarad uu ka soo bixi karo madaxweynaha xiga?
Xasan Sheekh weli wuxuu gacanta ku hayaa khasnadda federaalka, ciidanka iyo xisbiga magacaabay labada nin. Laakiin qalabkaasi uma xoog badna sida ay muuqdaan. Haddii Xasan Sheekh damco inuu tallaabo ka qaado labada maamul ama uu ciqaabo, ciqaabtaasi waxay u baahan tahay waqti, waqtiguna waa waxa Xasan Sheekh aanu hadda haysan.
Lacag-joojin iyo ciidan la-diro ma edbinayaan dhinac haysta awoodda diidmada, oo marka uu xilka la wareego dhaawac culus u geysan kara isaga; waxay burburinayaan sawirka garabka siyaasadeed ee Xasan Sheekh laftiisu u baahan yahay Sida uu Thomas Schelling qeexay, hanjabaad dhibaato u geysanaysa kan ku hanjabaya lama rumaysan karo (a threat that hurts the one who makes it is not credible).
Haddii midkood oo keliya diido, miisaanku wuu leexanayaa, Xasan Sheekhna waa inuu aqbalaa is-afgarad. Midkoodna harraad dartiis sun uma cabbayo, isagoo oo ay u muuqato xareedda isbeddelka. Madaxweyne dowlad-goboleed uma yimaado xukunka inuu la quusto doonta dowladda federaalka. Wuxuu doonayaa inuu ka badbaado doorashadan, iyo tan xigtaba.
Kii ajandaha dajiyey kaarkiisii koowaad ee turubka siyaasadda wuu dhigay. Dhaarta kadib, turubku wuxuu u gudbayaa Galmudug iyo Hirshabeelle oo haysta awoodda diidmada, waxayna kaararkooda u ciyaari doonaan iyagoo aan cidina xarig qoorta uga xirnayn.
Sida la yiri, hashu mar bay ceelka tagtaa; Liibaan iyo Guudlaawe fursaddan mar keliya ayay helayaan.
Amb. Awale Kullane waa diblomaasi hore oo Soomaaliyeed. Waa Safiirkii hore ee Soomaaliya ee Iswiidhan (Sweden) iyo Shiinaha (China), Ku-xigeenkii hore ee Ergayga Joogtada ah ee Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee New York, iyo Xoghayihii Joogtada hore ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya. Wuxuu wax ka qoraa Soomaaliya iyo Geeska Afrika. X: @AwaleKullane