Dowladda Soomaaliya ayaa fiidnimadii xalay tallaabo lama filaan ah ka qaaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaddib markii ay ka aamustay codeynta qaraar qabyo ah oo uu Mareykanku soo bandhigay, kaas oo la salla ku haya muranka ka taagan Galbeedka Saxaraha (Western Sahara).
Tallaabadan ayaa muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid mowqifkii Soomaaliya, marka loo eego midkii 30-kii Oktoobar 2025, xilligaas oo Muqdisho ay taageertay Qaraarka tirsigiisu ahaa 2797, kaas oo qorshaha ismaamulka ee Morocco u aqoonsaday saldhigga ugu muhiimsan ee lagu xallinayo khilaafka Galbeedka Saxaraha.
Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in Soomaaliya ay sidoo kale taageertay qaraar qabyo ah oo uu Ruushku soo gudbiyay, taas oo sii xoojinaysa muuqaalka isbeddelka ku yimid mowqifkeeda diblomaasiyadeed ee arrintan.
Labadan mowqif marka la isku daro waxay muujinayaan in Soomaaliya ay u muuqato mid diblomaasiyad ahaan ugu sii dhowaanaysa dalka Aljeeriya.
Isbeddelkan ayaa imaanaya iyadoo ay jireen farriimo is-khilaafsan oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Bishii December sandkii hore, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warbixin ay warbaahintu baahisay oo sheegaysay in Soomaaliya ay aqoonsatay madax-bannaanida Morocco ee Galbeedka Saxaraha.
Hase yeeshee, mowqifkaas waxaa dhowr jeer oo hore xaqiijiyay mas’uuliyiin Soomaaliyeed. Waxaa si gaar ah loo xusay 28-kii November, markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, uu magaalada Rabat kulan kula yeeshay dhiggiisa Morocco, Nasser Bourita, kaddibna uu muujiyay aqoonsiga madax-bannaanida Morocco ee Galbeedka Saxaraha.