Kenya ayaa beenisay sheegashada ah inay taageertay musharraxa Imaaraadka Carabta ku metelaya tartanka xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo caddeysay inaysan weli taageero u muujin musharrax gaar ah oo u tartamaya xilkaas.
Arrintan ayaa timid kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Kenya ay taageertay diblomaasiga Imaaraadka ee lagu magacaabo Lana Nusseibeh, maalmo kaddib markii Madaxweyne William Ruto uu Nairobi ku qaabilay diblomaasi sare oo ka socday Abu Dhabi.
Sheegashooyinkan ayaa sii xoogaystay kaddib markii xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya uu shaaciyay in Xoghayaha Koowaad ee Ra’iisul Wasaaraha Musalia Mudavadi uu magacaabista Haweeneyda Nusseibeh ku soo dhaweeyay magaca Kenya. Arrintaasoo dhalisay su’aalo ku saabsan in xukuumada Nairobi ay hore u go’aansatay musharraxa ay doorbidayso.
Balse, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Korir Sing’Oei ayaa caddeeyay in Kenya aysan taageerin musharraxna, isla markaana dowladdu ay weli la socoto ololaha musharraxiinta iyo dadka doonaya inay beddelaan Xoghayaha Guud ee xilka ka degaya.
“Taasi way ka duwan tahay xaqiiqda jirta. Kenya waqtigan ma aysan muujin taageero ay u hayso musharrax gaar ah. Waxaan la soconnaa ololaha socda ee xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan musharraxiinta cusub ee danaynaya xilka,” ayuu yiri Sing’Oei.
Xiisadda Kenya iyo Uganda
Caddeyntan ayaa timid xilli diblomaasigii hore ee Uganda siyaasiga Olara Otunnu uu isaguna u tartamayo xilka. Waxaa soo baxay walaac laga qabo in haddii Kenya ay taageerto musharraxa Imaaraadka ay taasi dhalin karto xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeysa labadan dal ee deriska ah.
Ololaha tartanka ayaa socda iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee hadda xilka haya António Guterres uu isu diyaarinayo inuu xilka ka dego 31-ka Diseembar sanadkan 2026, kaddib markii uu soo dhammeystay laba mudo-xileed oo min shan sano ah.
Qofka beddeli doona ayaa la filayaa inuu xilka la wareego Janaayo 2027, iyadoo hannaanka xulashada musharraxa cusub uu durba socdo.
Sida uu dhigayo Axdiga Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud waxaa magacaaba Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaddib marka Golaha Ammaanku soo jeediyo musharrax.
Sidaas darteed, Kenya, Uganda iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxay door ku yeelan doonaan magacaabista ugu dambaysa, inkasta oo Golaha Ammaanku marka hore ay tahay inuu isku raaco musharrax.
Tartankan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Kenya, maadaama ay martigeliso Xafiiska Qaramada Midoobay ee Nairobi, xarunta Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka (UNEP) iyo Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaamaynta Aadanaha (UN-Habitat).
Xarunta Gigiri ee Nairobi waxaa sidoo kale ku taalla hay’ado kale oo Qaramada Midoobay ka tirsan iyo xafiisyo heer gobol ah.
Bishii May 2026, Madaxweyne William Ruto iyo António Guterres ayaa daahfuray qorshe ballaarin ah oo lagu sameynayo xarumaha Qaramada Midoobay ee Nairobi. Qorshaha ayaa ka kooban dhismayaal cusub oo xafiisyo ah iyo xarun shirar, waxaana lagu maalgelinayaa 44 bilyan oo shilin Kenya ah, una dhiganta 340 milyan oo doollar, si loo ballaariyo hawlgallada hay’adda ee Afrika.
Kenya ayaa sidoo kale muddooyinkii dambe ku baaqaysay in dib-u-habayn lagu sameeyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan Golaha Ammaanka, si Afrika ay u hesho matalaad ka ballaaran tan hadda jirta marka la gaarayo go’aannada caalamiga ah.