Madaxda Federaalka Soomaaliya ayaa ka fekeraya inay ku amraan hay’adaha la dagaalanka argagaxisada inay cunaqabatayn dhaqaale iyo safar saaraan Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo maamulkiisa. Sida ay ogaatay Somali Stream waxaa la xayirayaa hantida iyo akoonnada shaqsiyadeed ee Laftagareen iyo hay’adaha la xiriira maamulkiisa. Sidaas si lamid ah Somali Stream ayaa xog ku heshay in hay’adaha socdaalka loo gudbinayo magacyada siyaasiyiin iyo shaqsiyaad xiriir leh maamulka Laftagareen, si loo xannibo dhaqdhaqaaqa iyo dukmantiyada safarkooda (Baasaboorkooda). Hay’adaha dawladeed ee loo gudbiyay amarka Madaxda Sare, waxaa kamid ah, Wasaaradaha Maaliyadda iyo Amniga, Booliiska, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Guddiga la dagaalanka lacagaha sharci darrada-The National Anti-Money Laundering Committee (NAMLC).
Tallaabadan lagu xanibayo socdaalka iyo hantida Cabdicasiis Laftagareen iyo maamulkiisa ayaa timid kaddib markii xiisadda u dhaxaysa labada dhinac ay gaartay halkii ugu sarraysay. Weeraro is xigxigay oo maamulka Cabdicasiis Laftagareen ku doonayay inay dib ugu qabsadaan magaalada Baydhabo ayaa keenay in dhinac kastaba isticmaalo awooddiisa siyaasadeed iyo ciidan.
3-dii bishan sebtember, waxaa magaalada Doolow lagu duqeeyay Xildhibaan iyo Taliye hore Mahad Cabdiraxmaan oo kamid ah qaraabada Madaxweyne Cabdicasiis. Weerarka oo ahaa duqayn diyaaradeed ayaa lagu eedayay fulintiisa Madaxds DFS, hase ahaate dawladda ayaa iska fogaysay.
Arrinta Koongur galbeed ayaa noqday galka ugu xasaasisan ee waqtigan, waxaana uu baddalay dhaqan siyaasadeedkii hore loogu yiqiin siyaasiyiinta Soomaalida ee kuraasta kala riixata, waxaana ku soo biiray in DFS ay maamulkii Cabdicasiis u isticmaalayso awooddii loogu talagalay ladagaallanka argagaxisada, haddii ay ka dhabayso soo saarista cunaqabatayntan cususb ee aan xogta ku helnay.